Ciyaaryahan U Dheela Horyaalka La Liga Oo Eedeymo Isku Day Dil Xabsi Loogu Taxaabey

0
665

February 23, 2018 (BRA-Spain)-  Rúben Semedo 23 jirkan  oo u ciyaara horyaalka La liga ee Spain ayay boolisku xabsiga u taxaabeen, iyagoona ku eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin isku day dil, dhac iyo hanjabaad.

Booliska ayaa sheegay in ciyaaryahankan uu soo dacweeyay nin sheegay in uu qafaashay islamarkaana u geystay dambiyada kor ku xusan.

Ciyaar yahan Rúben Semedo oo booliska dalka Spain xidhayaan.

Dhibanaha ayaa sidoo kale sheegay in uu rasaas kaso daba riday kadib markii uu ku guuleystay in uu ka baxsado, waxaana uu intaasi raaciyay in uu ka qaatay lacag kor u dhafeysa 20-kun oo Euro, saacado qaali ah iyo computer.

Ciyaaryahankan ayaa sannad ka hor waxaa lagu soo iibsaday lacay malaayiin euro ah, waxaana laga soo iibsaday kooxda Sporting CP.

Ma cadda wali waxa run ka ah eedeymahan, waxaana uu ciyaaryahanka sugayaa maxkamad.

Barigaafrikanews- Hargaysa, Somaliland

Hargaysa Desk 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here