Dani Carvajal Ma Ciyaari Doona Kulanka Ay Kooxdiisu La Ciyaarayso PSG??

0
380

Xidhiidhka qaaradda yurub ee UEFA ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaadhay hadii Dani Carvajal uu ciyaari karo kulanka xiisaha leh ee ay kooxdiisa la ciyaareyso Paris Saint Germain warega 16-ka koobka horyaalada yurub.

UEFA waxey xaqiijisay inaan la cafin doonin Dani Carvajal isla markaana uu dhameysan doono ganaaxiisa labada kulan ah kadib markii uu jaale (kas) ah qaatay kulankii 5-aad ee wareega group-yada taasoo loo arkay iney tahay waxyaabo ka hor imaanaya sharciga.

Dani Carvajal ayaa jaale qaatay kulan ay 6-0 kaga badiyeen APEOL Nicosia, waliba daqiqadahii ugu dabeeyay kulanka, wuxuuna ku fakaray inuu seego kulanka aan macnaha ugu fadhiyin kooxdiisa ee 6-aad si uu taam buuxa ugu noqdo labada lug ee Paris Saint Germain.

Xiriirka UEFA oo aan arintaan si weyn ugu faraxsaneyn ayaa ganaaxay laba kulan, midna wuxuu ahaa kulankii Dortmund oo sida sharciga ahaa uu rabay inuu seego iyo kulanka 14-ka February ay la ciyaarayaan Paris Saint Germain – lugta hore wareega 16-ka tartanka.

Real Madrid ayaa isku dayday in xidigaan laga cafiyo ganaaxa dheeraadka ah, balse ma jirto wax cafin ah oo loo sameeyay xidiga reer Spain kadib markii ay fariisteen gudiga anshaxa ee xiriirka UEFA.

Ugu dambyentiina Los Blancos ma heli doonto kulanka Santiago Bernabeu iyadoo markii horaba dhibaatooyin dhanka daafaca ah la tacaaleysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here