Somaliland Maxay Ka Baran Kartaa Doorashadii Finland Ka Dhacday?

0
65

Doorashadii Madaxweynaha Finland oo dhacday 28.1 2018 oo aan ka mid ahaa xubin gudida doorashada. Doorashadii hore ee dhacdayna aan ka ahaa gudoomiye ku xigeen gudida doorashada ee gobolka. Somalilanda labadii dhoorasho ee madaweynahana goob joogayaasha caalamiga ayaan ku jiran, waxaan aad uga xumaaday dibu dhaca weyn ee inagu yimi. Inkastoo aynu wadamo waweyn oo Afrika oo la aqoonsanyahay ka wanaagsanahay inkastoo cadow neceb jiritaanka Somaliland doonayeen ina ka faa’iideystaan hadana doorashadan inoogu danbeysay waxay ahayd mid aynu 1991 dib ugu noqonay ila eega labadan arimood ee hoos ku xusan

  1. Doorashadeen waxaa ka qabqaadanaayay dhamaan intooda badan xubnaha dawlada u shaqeeya wasiir, ilaa ka dhulka nadiifinaaya, culimadii iyo haba ugu sii darnaatee nimankii ay ahayd in ay mus danbeed ahaadaan oo wixii adkaada dib loogu noqdo ee ahaa Suldaananda oo hor boodaayay xisbiyadii. Xafiisyadii oo madhan hantidii dawladu lahayd oo kaambeyn lagu gelaaye.
  2. Wadan yar oo wax soosaar lahayn oo lacag xad dhaafa olole ku galay, lacagtaa ololaha lagu gelaayo wadanka iyo dadkaba waxay u horseedaysaa qabyaalad iyo been lagu qadhaabsado

Doorashada Finland iyo doorashada Somaliland laysma barbar dhigi karo lakiin waxaan jeclahay inay wax ka baran, waxaa iminka sharaxnaa 8 musharax oo ka kala socda todoba xisbi xisbiga dhexdhexaadka ayaa laba musharax lahaa, ololaha waxa la bilaabay 3 wiig doorashada ka hor, lakiine wax ay haba yaraatee magaalooyinka laga dareemaayay may jirin ama wax buuq ah sawiradooda ayaa lagu  dhejiyay wadooyinka dhinacyadooda, wax baabuur oo lagu ololeynaaya ma jirin, musharxiintuna iyagoo qunyar socoda ayay meelaha dadka ka heleyaan kula kulmayeen, masuuliyiinta xilalka hayana qof u ololeynaaya lama arkay oo waa ka madnooc. Dadka sanadka codaynaayay waxay ahayeen sedex milyan, waxaana codeeyay 70% Madaxweynahay ku guuleystayna wuxuu helay 62% taasi waxay cadaynaysaa in shacabku jeclyihiin, waxaanu sii ahaa madaxweynaha hada hayey waxyaabaha lagu jecclaaday ayaa ahayd maqacii Finland ayuu kor u qaaday oo dawladihii waaweynaa ayuu xidhiidh fiican la yeeshay sida Shiinaha, Maraykanka, Ruushka.

Waxaan ku talinayaa in Somaliland ay ku dayato oo wax ka bartaan Finland. Madaxweyne Muuse Biixi Abdi na ka shaqeeyo horumarka iyo raadinta  ictiraafka  isagoo isticmaalaya aqoonyahanda reer Somaliland  Sidoo kalena yareeya qabyaaladan foosha xun ee doorashadu inoo keentay .

 

Xildhibaan Roda Hassan

Turku Finland

bashiir1996@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here