Qisaan Fadhiga Ugu Kacay Waa Qisooyin Badan Oo Xidhiidh Ah Ee Dhagaha U Sifeyso Akhriste

0
56

Maskaxdii migisti xaylo maryam

Taariikhdu markay aheyd  1981 Waxa isku dhacay soomaalida oo isku shuf beeshay, sidii dabkii oo kale  ayey isla ololeen, walaalaha soomaaliyeed  meel ayay joogaanba,  badhba badhka kale   ayuu cunnay side ugaadhii,

Dawladdii soomaaliyeed iyo jabahadii, si ka fool fool ah isku galeen,  isku mashquulay, iskuna rogmadeen,

Kadibna Indheer-garadkii iyo aqoonyahanadii xabashidda  ayaa shir degdeg ah oo allbaabadu u xidhanyahay oo laga arrinsanayo  sidii soomali leysku kaba-raacin lahaa loogana takhlusi lahaa  galay,  maadaama ayay maanta soomali ,ayey isku jeedsatay  isna  cunneyso, in ay duulaan hal mar ah ayay isku kabo-raaciyaan,

Aragtida ay ka wada duulayeen khubaradda itoobiyay waxa ay aheyd mab’ada qudhiyay oo ku asteysnaa cadawtinimada soomalida iyo in ay isku mid yihiin, oo ay dhamaantood nacab ay ku yihiin jirtaanka itoobiyay, Madaxdii iyo aqoonyahanadii xabashida ayaa shirkaa ka soo qeybgalay

Shirkii ayaa la bilaabay waxana lagu bilaabay oo miiska dhigay  in ay soomali madax iskula jiraan  ayayna tahay guul weyn oo itoobiyaanka u soo hoytay,

Waxa la soo jeediyey  in laga tashadu sidii soomaali  meesha looga saari-lahaa  maadaama ay yihiin cadawga kaliyee taariikhiga ah ee ay itoobiye leedahay,  dood weyn baa loo kala baxay aragtiyo halis ku ah ummadda soomaliyeed ayaa leys weydaarsaday,waxayna  isku raaceen in ay tahay naq-roob oo itoobiyay  u da’ay , iyo fursada tahabiyay   in maanta soomaali inta ay isku jeedaan weerar lagu eekeeyo,  oo sidaa lagu burburiy, iyada oo gacanta mar la wada saarayo,

Kadiba aqoonyahanaddii iyo khubaradii  colaadinta soomalida u bislaaday,bmarkii ay taladda goosteen ay ogaadeen in aanay taladna uu  ka maqan yahay  ruug-cadaagii iyo aabihii  itoobiyay migiste xaylo maryam aan laga talo-galin,Talada ku haboon soomaali  burburinteed,

 

Migisto xaylo maryam nin aad u maskax weyn oo aad u caqli wanaagsan yuu ahaa   oo mucjiso ah, Waxa  qasaba noqotay in ay la faqaan  oo ay kala shawraan, migiste,

Waxa ay weydiiyeen soomali maanta weerar cirka iyo dhulka  ah  oo aanu fursadda ka faa’ideysano ayaannu damacsanahay ee ka warran xaylo,

Ka dibna waxa ugu warceliyey maanta waa maalintii weynayd ee seddaxda illaah aan xusi jirey, ee orda oo iga tag, bari ii kaalay, tallo wacan aniga ayaa idin  hayee,

Markii  ay maalintii gaadhay   uu waagii baryey   ayey khubaradii iyo aqoonyahanaddii isku yimaadeen si ay u hellaan taladda ugu wacan ee soomali lagaga takhalus karo

Migisto  xaylo maryam ayaa indhaha oo dhan ficiladiisa ayaa isha lagu wada hayaa, waxa uu odhan doonana dhegaha ayaa loo sii safeysta si loo weeleeyo, bal taladu loo eego taladu la shirt ago,

Waxa  ayay ku yidhaahdeen  nooga waran balantii aanu isku ogeyn,,

Waxa uu ku yidhi samacan wadaan,

Waxa uu amaray in la keeno laba ayay  iyo waraabe ka dibna yeyga qol gaar ah lagu xidho ,

Dabadeedna waxa uu migiste amray in  leysku diro labada ey , labadii ey ayaa leysku diray  dagaal ba’an ayaa dhex maray  oo ay iskaga dhiijiyeen isna cunneen , illmaa ayay ku sigteen in ay isku nafbaaxa kuna dhawaadaan dhimaad,

Isla goobtii haddana waxa uu amaray migista in waraabaha  la soo daayo oo labada ey  oo isku jeedda oo is cunnay lagu soo daayo waraabaha, allbaabkii ayaa laga furay waraabihii,

kadibana waxa  ay go’aanasadeen labadii ey in ay heshiiyaan iyagu dhexdooda waxana ay isku waafaqeen in ay meel ugu soo wadajeestaan waraabaha, naxariis ayay isku hayaan ayaa meeshii timid ka dibna waxa ay ku boodeen raabihii isla markaan wey dileen,

Ka diba  migist xaylo maryam  waxa uu soo qaabilay  dhammaan qolahii,

Waxana uu ku yidhi maanta dhacdadan waraabahan iyo labada ey wax ay tusaale u yidhiin itoobiyay iyo soomalida, Waayo haddaana maanta soomali ku duulno dan ayay u heshiin doonaa inta ayay illoobaan colaadda sokeeye ee dhexdooda, ayay cadowgooga meel ugu soo wada jeedsan-doonaan, Bi waaye aynu isku deyno,  Aynu isku daawano, ha isku cunaan,

Shaqada kaliyee inooga banana maanta cadawgiina aynu ku adhax-jibin-karnaa waa in aynu jabahadda  dawladda dumiska hubka ku taageerno awoodna aynu ku xoojino,hoos-hoosna aynu ka wadno, oo yaan la’idin dareemin in aad burburka soomalida  ay idin hurineysaan,

gu’ weyn oo u  curtay itoobiyey ayay ka dhigan tahay jabahada SML SFD, IN aan maanta is garabtaagnaa,Soomalina wax ay u tahay burburka koobaad  ee ay hoosteen soo gali-doonaa,

Ha ku qaadin  dagaal weyn oo ay ina dareemaan, balse kolba kii maciin ina soo bi’da aynu  ku taageerno hub iyo ciidan  iyo cudud  wixii ay nooga baahdaan jabahadaasi aynu ku xoojino,

Hore ayaa loo yidhi lafo geel iyaga leysku jabiyaayey, ee aynu soomali aynu isku jibno,

Burburka kadibna  dusha ka xukun, iyada oo aanay wax rafaad ah  inaga soo gaadhin  gumeynta  ummadda soomaliyeed,

Fikirkii iyo taladii migiste xaylo maryam , aad iyo aad ayaa loogu khushuucay  rayi- suuban  ayaa lagu suntay, aragtidaas ayay xabashidii ku haw-gashay,

Taariikhda itoobiyay  wax-qab weyn   ayuu u hirgaliy boqor migiste xaylo maryam, waxana uu ku guuleystay in uu illaaliyo hidaha iyo dhaqanka iyo mucatabka geeska afrika ugu weyn, waxana uu noqday boqorka kaliyee meesha ka saaray  awood cadawga soo jireenka ah ee ayay itoobiya leedahay. Oo ah islaamnimada iyo soomalinimada

Waxa kaloo uu burburiyey  riyadii  soomali ay ku riyoon jirtay waligeed oo ah, in dawladda adeg oo soomaliyeed ku mideysan tahay loo hello cadawga xamaaradda xunka ah,

Himiladii weyneyda ee ummadda soomaliyeed  wax badelay maamul qoboleedyo yar yar oo ku dhisan saami-qeybsi beeleed   oo magac iyo shaadh dawladeeda gashaday, oo badhba badhka kale nacdalayo,  cadawna isku arka,  lidna isku ah, waxana ay ku dadaashaa mid walba in ay ugu dheereyso la saaxiibida  shisheeyaha nacabka ah , oo  ayay  miciin bidaan, midba mid ka kale ayuu doonayaa in uu isku xoojiyo si  u cago isugu taago, waa in uu colaadsadaa maamulka-goboleedka  ugu dhaw, saaxiib qaaliyana ay ka dhigtaan wax ay u bixiyeen,(walaalkeegan  jaarka ah,) (saaxiibkiigan qaaliga ah) (walaalkeenna daris ka ah) oo ay ula jeedaa shisheeyaha cadaawada guunka ah soomali ay ka dhexayso,

waxaas ayaa matala ummadda soomaliyeed maanta,  saw musiibo maah!

Waxa aan leeyahay maamul-qoboleed shaadh dawladeed xidhay waa sidii bisad shaadh libaax xidhatay, wa ficlan sidaas ayay arintu tahay, oo maamul goboleedada soomaliyeed waa bisada shaadh libaax xidhan, ummadna cadaw kagama filnaan karaan , ina looga soo dhaco dhankooga mooyaane,  dhinacooga ayaana looga soo dhacay ummada, waayo faro-galinkasta  wax ay cadawgu u soo maraan maamul-goboleedyada,  tusaale yar waxa kuugu filin keenaya wax ay bada u soo martay  maamulka jubo-laan itoobiyana dekada Barbara in ay wax ku yeelato wax ay u soomartay maamulka Somaliland taasin wax ay muujineysaa ugu yaraan hadimada ay ku hayaan maamul qoboleedyadu jiritaanka ummadda soomaliyeed, waa in la hellaa awood milatari oo laga takhluso bisadahaa shaadh dawladeed  qaatay, haddii la doonayo in ummadda. soomaliyeed  sii jirto[1],  xittaa haddii ay jiraan maamul-qoboleedyadu waa in  la sameeyaaa awood  dhex oo lagu mideysan yahay taas oo leh  maamulka guud taladuna  ka soo go’do, wixii  ay u yeedhiyo maamulkaas dhexna ay ku socdaan,taasina waxa ay imaneysaa marka la sameeyo awood-weyn oo milatariy ah oo gacanta ku heys maamul-qoboleedada sida  ay  u dhisantahay dawlada markeynkan ka oo kale.

Tallow soomali ma ka dhalan doonaa wiil soo celin kara burjigii iyo heybadii soomali ay ku laheyd  geeska afrika? ,

Goormaa la helli-doonaa cadaw soomaliyeed oo ka heybadeysta  waxna isaga  tirinaya ?

Ayaamuhu ma soo celindoonaa awood soomaliyeed oo mideysan  oo aanu nacab faro galin tallow?

Tallow ummadda soomaliyeed ma helli-doonaa  dawladda weyn  oo la dagaalanta jahliga iyo saboolnimada  iyo qeybsanaanta,

Su’aalahan wax la moodaa in ay yihiin wax aan suurto-gal aheyn casrigan maanta ah,

Balse Waa xil wiilasha soomaliyeed saaran meel kasta ay joogaan inay ka jawaabaan su’aalahaas. Kana fikiraan sida xal loogu heli lahaa,

Lasoco … Qaybta 2aad

xikmaawi25@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here