Manchester City Oo Indhaheeda Ku Jeedisay Neymar Kadib Markii Ay Chelsea Meel Adag Iska Taagtay Doonista Hazard.

0
49

Kooxda Chelsea ayaa meel adag iska taagtay xiisihii ay kooxda Manchester City ka muujisay xidiga ree Belgium ee Eden Hazard. Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay, Manchester City ayaa qorshaynaysay in ay dalab 150 milyan gini ah ku dalbato xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard kaas oo ay doonaysay in ay Real Madrid kula tartanto dhamaadka xili ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Daily Telegraph ayaa qoray in maamulka Chelsea ay iska diidi doonaan dalab kasta oo ay Manchester City ku doonayso saxiixa xidiga kooxdooda ugu muhiimsan ee Eden Hazard iyada oo waliba ay  Chelsea diyaar u tahay in ay iska diido dalab ka badan lacagtii rekoodhka aduun ahayd ee ay PSG kula soo wareegtay Neymar Jr oo ay 222 milyan euros kaga soo qaadatay Barcelona.

Laakiin Manchester City ayaa dareenkeeda ku soo jeedisay xidiga aan sida fiican caasimada Paris sal dhigan ee Neymar Jr sida lagu qoray MEN. Ma aha markii ugu horaysay ee ay Manchester City xiisaynayso Neymar Jr basle waxay hore uga mid ahayd kooxihii xidiga ree Brazil lala xidhiidhin jiray markii uu Barcelona joogay.

Neymar Jr ayaan hore u qarsan sida uu u jecel yahay horyaalka Premier League iyo in uu mar uun la shaqayn doono Pep Guardiola laakiin iyada oo Manchester City doonaysa in ay heer kale u qaado kooxdeeda isla markaana uu wali Guardiola ku jiro dhismaha koox khaas ah ayaa MEN lagu daabacay in Man City ay Real Madrid kula tartamayso saxiixa Neymar Jr.

Xidiga ree Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa tan iyo markii uu Barcelona ka baxay aan si fiican u sal dhigan kooxdiisa isaga oo khilaaf la galay Edinson Cavani iyo macalinka kooxdiisa ee Unai Emery, waxayna hadda u muuqataa in Real Madrid ayna kali ku noqon doonin iyada oo Man City doonaysa in Neymar ay keento Premier League.

Real Madrid ayaa si xoogan isku hubayn doonta dhamaadka xili ciyaareedkan iyada oo Florentino Perez uu doonayo in uu xoojin wayn ku sameeyo kooxdiisa Los Blancos oo xili ciyaareedkan dhibaato badan la kulantay laakiin labada bartilmaameed ee uu Perez doonayo oo ah Hazar diyo Neymar ayay Man City dhinac kaga jirtaa.

Laakiin Chelsea ayaan doonayn in haddiiba ay dhacayso in Eden Hazard uu kooxdeeda ka baxo in aanu ku biirin koox Premier League ah taas oo fursada Manchester City ee Hazard ka dhigaysa mid ka adag fursada ay ka heli karto Neymar Jr oo ay hadda doonayso in ay Madrid kula loolanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here