Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich Uli Hoeneß Oo Si Xoogan U Dhaleeceeyay Barcelona, Isagoo Sheegay In Bundesliga Uu Ka Sara Mari Doono Horyaalada Premier League-ga Iyo La Liga.

0
64

Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich Uli Hoeneß ayaa wuxuu si xoogan u dhaleeceeyay qorsho siyaasadeedka suuqa kala iibsiga ee maamulka kooxda reer Spain Barcelona xiliyadii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Uli Hoeneß ayaa wuxuu u sheegay wargeys “Sportbuzzer” ee dalk Germany: “Barcelona ma awoodo inay dib u dhisto garoonkeeda Camp Nou, sababtoo ah lacag ma heystaan”.

Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu hadalkiisa itaas kusii daray: “Xili ciyaareed kasta waxay u dhigayaan dib, sababtoo ah kama helaan wax dhaqaale ah bangiyada, sidaas oo ay tahay waxay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay ku biyaan dhaqaale gaarsiisan 400 million euros si ay u sameeyaan saxiixyo cusub, waana arin aan fahmi la’ahay”.

Dhinaca kale Uli Hoeneß ayaa wuxuu hadalkiisa u weeciyay ka hadalka kubada cagta dalka England wuxuuna yidhi: “Inta badan jamaahiirta horyaalka Premier League-ga waxay u dhaqaaqaan Germany si ay u daawadaan kubada Bundesliga, sababtoo ah waxay ku caajiseen dabeecada maalgashadayaasha kubada cagta dalka England”.

Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Waxaan qabaa dhowr shaki ah in kubada cagta dalka England iyo Spain ay sii wadi doonaan inay ka sarreeyaan Bundesliga mudada shanta sanno ee soo aadan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here