Hordhaca Kulanka Xiisaha Leh ee Caawa Dhexmari Doona Kooxaha Man City iyo West Brom

0
67

Manchester City ayaa dooneysa iney wadada guulaha horay ugu socoto, waxeyna dooneysaa iney ilowdo wixii ku qabsaday garoonka Anfield Road markii ay ugu martiyeen Liverpool, waxeyna la kulmeen guuldaradii ugu horeysay xilli ciyaareedka.

Wiilasha Pep Guardiola waxey kadib dhibtii kusoo gaartay gobolka Merseyside gaareen sadex guulood, waxey u gudbeen finalka tartank Carabao Cup markii ay ka talaabsadeen Bristol City, sidoo kalana wareega 5-aad ee FA Cup-ka ayey gaareen markii ay dileen Cardiff City, halka horyaalka ay guul ka heleen Newcastle United kulan Aguero uu sadexley dhaliyay.

Pep Guardiola wuxuu filanayaa caawa guul si uu ugu sii dhawaado inuu hanto horyaalka Premier League, sanadkaan wuxuu xaadir ku yahay koob walba, walina koob kama harin.

Warbixinta kulanka:

Kulanka: Man City vs West Brom

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Robert Madley (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood? 

Leroy Sane ayaa la hubaa inuu seegi doono kulanka caawa madama uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Cardiff ee tartanka FA Cup-ka, sidoo kalana Gabriel Jesus, Fabian Delph iyo Benjamin Mendy ayaa wali dhaawacyo kooxda kaga maqan.

West Brom waxey sugi doonaan xaaladda Evans iyo Robson-Kanu oo dhaawacyo muruqa ah qaba,

Sturridge ayaa dib ugu soo laabanaya Etihad Stadium, waxaana suuragal ah inuu safto kulankiisii ugu horeeyay horyaalka isagoo ka tirsan West Brom.

Shaxda Macquulka Ah:

Manchester City:

Ederson; Walker, Stones, Otamendi, Danilo; De Bruyne, Fernandinho, Silva; Bernardo, Aguero, Sterling

West Brom:

Foster; Nyom, Dawson, Hegazi, Brunt; Phillips, Barry, Krychowiak, McClean; Rondon, Rodriguez

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Manchester City ayaa burburisay dhigeeda sanadahii ugu dambeeyay, waxey guul gaartay 13-kii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan 16-kulan guuldaro la’aan ayey ka heysataa.

West Brom ayaan garaacin Man City kulamada horyaalka tan iyo 2008, sidoo kalana guushii ugu dambeysay oo ay kusoo guriga Citizes oo markaasi ahaa (Maine Road) waxey aheyd 2003 kulan ay ku badisay 2-1.

Kulankii lugta hore ee xilli ciyaareedkaan Baggies waxey sameeyeen wax fiican 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay madam aay hogaanka qabteen, balse 3-2 ayey ku lumiyeen iyagoo jooga he Hawthorns.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here