Hordhac: Tottenham vs Man United – Jose vs Mauricio – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Adag Isbuucaan Horyaalka Premier League.

0
99

Manchester United ayaa la kulmeysa tijaabo adag caawa, waana marka ay garoonka Wembley kula ciyaarto kooxda Tottenham Hotspur oo xilli ciyaareedkaan aan u fir-fircooneen sidii labadii sano ee ka horeysay.

Red Devils waxey isha ku heysaa iney hogaanka kula dagaalanto Citizens oo ay haatan u jirto 12-dhibcood, balse tijaabada caawa waxey u tahay mid ay ugu yaraan ku kala ogaan karto hadii uu sii socon doono hamigooda tartanka horyaalka iyo hadii kale.

Alexis Sanchez ayaa la safray kooxda Red Devils ee u duushay London, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Premier League isagoo xiran maaliyadda Red Devils.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Tottenham vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: Wembley Stadium

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Andre Marriner (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Toby Alderweireld, Christian Eriksen, Erik Lamela, Hugo Lloris iyo Danny Rose ayaa dib ugu soo laabtay tababarka waxaana la filayaa iney kasoo muuqdaan kulankaan, walow aan la ogeyn sida ay dhamaantood u matali karaan kooxda.

Alderweireld wuxuu safan karaa kulankiisii ugu horeeyay kooxdiisa tan iyo November sanadkii hore, markii uu dhaawac soo gaaray kulan ay 3-1 kaga badiyeen Real Madrid.

Serge Aurier iyo Harry Winks ayaa wali kaso kabanaya dhaawacyo ay qabaan.

Dhanka kale Alexis Sanchez ayaa la filayaa inuu safto kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Premier League, kadib markii uu FA Cup-ka kasoo muuqday.

Red Devils wax dhaawacyo cusub ah ma qabaan marka laga reebo xidigahii horey kaga maqnaa sida Zlatan Ibrahimovic iyo Eric Bailly.

Shaxda Macquulka Ah:

Tottenham Hotspur:

Lloris; Trippier, Sanchez, Vertonghen, Davies; Dier, Dembele, Eriksen, Alli, Son; Kane

Man United:

De Gea; Valencia, Smalling, Jones, Young; Lingard, Matic, Pogba; Sanchez, Lukaku, Martial

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Guuldaradii soo gaartay Spurs bilowgii xilli ciyaareedkaan waxey aheyd midii 80-aad ee horyaalka oo ay kala kulanto Man United, waana in ka badan 11 koox walba oo ay tartankaan ka hor tageen.

Spurs ayaa guul gaartay laba ka mid ah 7-dii kulan oo ay wajaheen Man United mudada Mauricio Pochettino 1-barbaro iyo 4-guuldaro ayaana u dheeri ah, inkastoo ay ka badan adkaadeen 26-kulan ee ka horeeyay walow ay 8-macalin hogaamisay (Glenn Hoddle, David Pleat, Jacques Santini, Martin Jol, Juande Ramos, Harry Redknapp, Andre Villas-Boas, Tim Sherwood).

Tottenham Hotspur ayaa guuleysatay labadii kulan ee ugu dambysay oo ay gurigooda ku qaabileen Man United kulamada horyaalka, markii ugu dambeysay oo ay sadex jeer si xiriri ah uga adkaadaan waxey aheyd September 1966.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here