Diraacna Ma Socdey.

0
51

Waxa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargaysa , Alle ha u naxariistee , Muj Saleebaan Cabdi Ibraahin oo loo yaqaanay ama ku magac dheeraa ( Diraac ) kana mid ahaa Halgamayaashii ururkii snm , gaar ahaan dagaalyahankii waawaynaa ee soo halgamay .

Muj oo aan inbadan waraystay xidhiidh fiicana aanu lahayn , wuxuu ku biiray Ururkii snm sanaddii 1982 , waxaanu ka mid ahaa , xubnihii ugu horeeyey uu Muj Maxamed Cali ku bilaabay Aaga dhexe , ee Daroor iyo Dhoobo-guduud ilaa 1991 wuxuu ku jirey halgankaas isagoo aan marna ka nasan .

Muj wuxuu markiisii horre ahaan jirey Geel-jirre ku caan ahaa dagaal yahaan nimo , geel dhicin iyo faran joog , markii uu Snm ku biirayna wuxuu ku hawl galay mihnadiisii , waxaanu ku adeegi jirey Qoriga culus ee loo yaqaano Pkm , hassa yeeshee markii la arkay dhiiranaantiisa ayaa Snm u tababartay qoryaha Lidka Diyaaradaha ee loo yaqaano Zakwi, kaasoo ah ka uu kusoo caanbaxay , waxaanu ka mid ahaa , raggii uu ninka Faqash yidhi maandhe qorigu wuu hadlayaa,waxaanu leeyahay Kac tag , kac tag .

Lama tirin karro hawl-galadda uu ka qayb galay mudadaa dheer ee uusoo halgamayay hassa yeeshee waxaa la odhan karaa wuxuu ka mid ahaa raggii ka qayb galay hawl-galaddii ugu badnaa in uu ka mid ahaa midhadhka kasii nool .

Sanadihii 1995-1996 wuxuu ka mid ahaa Xubnihii Ciidanka Qaranka ee ka qayb galay difaacii wadanka ee Xeebta Galbeed , waxaana si fiican laggu xasuustaa Guushii balaadhnayd ee isagga iyo raggii la hawl galay Aagaas kasoo hoyiyeen

Marxuumka oo ahaa nin u dhashay dherer iyo laxaad , waxaa laggu xasuustaa odhaah caan noqotay oo uu yidhi ” Xabadda yaryari aniga i kari maysee , ta waawayn uun inagga ilaaliya ” habeenkii xalay ahaa ayuu marxuumku Geeriyooday , Naxariistii janno alle ha siiyee , Inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun .

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here