Xoriyada Qowlka Iyo Kala Garashada Khaladka Iyo Saxa!

0
47

Xoriyada qawlku waa xaq aas aasiya oo Allah(swt) uu siiyey Adoomadiisa, Balse fasirkeeda gaarka ahi ma aha mid Adoomuhu ku heshiis yihiin oo macne isku mida ugu fasirtaan balse waa mid sida ay jecel yihiin kolba u dabakhaan Somalidu na Waxaabey ku maahmaahaan :

HADAL WAA MARGI OO KULBA WAA XAGII LOO JIIDO’

Hadalku waa qayb ka mid ah nicmooyinka waa weyn ee Allah(swt) ku maneystey Adoomadiisa,waxaana uu qayb ka yahay qabka isgaadhsimaha kala duwan sida, fariimaha kala duwan ee isku xidhka iyo isla socodsiinta dareenka,wararka,sheekooyinka iyo qaybo badan oo la xidhiidha nolosha iyo iska warhaynta dhamaan waxyaabaha ka socda hareeraha caalamka.Waxaa la iskugu gudbiyaa qaabab kala duwan, iyo qalabyo kala duwan.

Marka aynu ka hadlayno Xoriyada Qolka,waxaa ku lifaaqan oo la socda shuruudo aasaasi ah oo salka ku haya laba arimood oo kala ah:

1-      Xaqa aad adigu u leeday in aad si xora u gudatid Xoriyada Qawlka ee waafaqsan shuruucda Allah(swt).

2-      Xaqa Makhluuqa kale kugu lee yihiin in aadnad ku xadgudbin xuquuqdooda gaarka u ah ee ay leeyihiin ee Waafaqsan Shuruucda Allah(swt).

Labadaa Qodob ayaa asal u ah in aad si fiican u fahantid Xoriyada sideedaba xoriyada qolkuna waa mid ka mida xoriyadaha makhluuqa Allah lee yihiin ee Allah(swt) siiyey.Waxaa aan aaminsan ahay in sharci kasta oo Adamigu Sameeyey hadii aanu waafaqsaneyn kan Allah(swt) in uu baadil yahay oo aanu si fiican ugu xaqsooreynin Adoomaha Alle. Waayo Waxaa Sameeyey qaab ka mida Adamiga oo sal uga dhigay uun rabitaankooda iyo shuruucda ay u arkaan in ay iyaga ka hor imaneynin.Balse Qawaaniinta Allah(swt) waa kuwo si siman oo xaqa oo cilmiyeysan uga turjumaya dhamaanba Makhluuqa Alle oo loo siman yahay shaqsina aanu sheeganeynin in si gaara uu u lee yahay balse ku saleysan sinaanta xuquuqda dhamaan noolaha iyo sida loo mareenayo.

Waxaa waayahan dambe aad moodaa in aynu mareyno wakhti aan odhan karo ereydan : “ ILBAX DHAAFNAYE ALLAHA YOOW NOO SAHAL”. !

Waa duco iyo digniin wada socota.Balse ma filayo iney dad badani si ila arkaan waxa aniga ii muuqda waayo waxaa aanu ku kala duwan nahay waxyaabo badan balse anigu waxaa aan gudanayaa xil I saran oo aan filayo in aan Allah(swt) ugu dhawaanayo oo aan isaga uun ka rabo abaal marin cid kale se aanan uga baahneyn abaal,magac,manfac iyo wax yaabo kale oo la xidhiidha aduunyo iyo istustusid adami. Waayo Waxaa aan filayaa iney igu filan tahay  hadalka Alle ee ku xusan (Aal-‘Imraan 3:110) . Waxaa uu Alleh (swt) Inagu tilmaamey in aynu nahay UMadaha la soo saarey kuwa ugu khayr badan Sababtuna waxaa ay tahay Laba Sifo oo uu Alle inoo sheegay oo kala ah:

a)      Wanaaga oo aynu is farno

b)      Xumaanta oo aynu iska reebno

Waa lagama maar maan in aynu ilaalino labadaa qodob ee aynu ku noqoney kuwo ka duwan umadahii kale.

Sidaa awgeed Xoriyada qawlku waa in ay salka ku hayaa mid aynu wanaaga ku xoojineyno xumaantana iskaga reebeyno. Nolosha iyo technoolajiga cusubi waxay inaga dhigeen hadii aynu Somali nahay kuwo si qaab daran u adeegsada. Waxaase loo baahan yahay in aynu fikir ka horeysiino waxa aynu sameyneyno.

La yaabkaJira Waxaa weeyi Aqoon baynu sheeganaynaa qaarkeen iyo waayo aragnimo dadkana waxaanu u sheegaynaa in aynu ka waanineyno khalad balse khalad ayaanu khalad ku difaacaynaa waxaa aan aad ula yaabey sheeko dhex waregeysey baraha xidhiidhka bulshada oo salka ku haysey hees soomali ah oo mudadan dambe aad loo hadal hayey. Oo culumo iyo caamoba faleysay balse waxaa I soo jiitey faalada Cali Xadhaadhe ee qisadaa iyo sida anshaxa ka baxsan ee mid ka mida Culumada Somaliyeed oo heestaa ka Hadley uu wax uga sheegay Waa sheega la Yidhaahdo Sheekh Siciid oo wacdi iyo maano naxteexo huwan u soo jeediyey dadka somaliyeed ee heestaa qaabka anshaxa ka baxsan ugu dhaqmey. Mudane Cali Xaraare waxaa aan u soo jeedinayaa in uu iska ilaaliyo arimaha khiradiisa iyo Aduunkiisaba u fiicneyn sida culimada oo aan wax aanad cadeymo u hayin ka faafisid waayo sheikh Siciid waxaad ku eedaysey in uu lunsadey Tabarucaadkii Abaaraha ee dadka abaaroobey loogu yaboohayey.Anigu fikirkaa ma qabo Sheekhu waxaa aan ka aaminsan ahay in uu wax uu ugu daro mooyee waxba kaga leexan balse Allah(swt) xaqiiqada og balse hadii aad cadeymo haysid u soo bandhig umada. Hadii kale u tudho naftaada oo Alle ka cabso dadkana ha u horseedin jid xun oo ay culimada kaga shakiyaan iley diintii Alle ayey masuuliyeeda dusha u rideene oo waxay inoo hayaan dhaxalkii Nebigeena suuban (Salalahu Caleyhim Wa Salam).Arintani Cali Xaraare oo keliya kuma koobnaa balse waxaa arkeysaa dad waaweyn oo intey Video clip iska soo duubaan wixii afkooda ku soo dhacaba ku hadlaya  tani waxay ka mid tahay uu jahliga iyo aqoondarid dad badani ka qabaan qaabka looga faa’iideysto nicmooyinka Alle ee Farsamada casriga ( New Technology) ee Alle (swt) inoo sakhirey. Waxaa aan uga digayaa nafteyda iyo tiinaba inaad xoriyada qowlka uga faa’iideysatid sida Alle raalida ka yahay.

Mahad dhamaanteed Allah(swt) u sugnaatey

M J Farah BEng (Hons), BA

rashiid64@hotmail.co.uk

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here