Xiisadda Yaman: Imaaraatka iyo Sucuudigu ma iska hor iman karaan? 

0
53

Xiisadda Yaman: Imaaraatka iyo Sucuudigu ma iska hor iman karaan?
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Yaman, waa dal dhaca geeska koonfur-galbeed ee gacanka carabta. Waa dhul u badan buuro, guud ahaan na saxare ah, walow ay jiraan qaybo badan oo hela roob ku filan, suuragalin kara wax beerasho. Dadku waxay ku hadlaan lahjado kala geddisan oo carabiya, waana muslim badankoodu.

Jamhuuriyadda Yaman, waxay ka soo unkantay bishii May 1990kii, markii Yamanta waqooyi (North Yemen) ay la midoobeen, Yamantii koonfureed (South Yemen), iyaga oo mariyay heshiiskii midaynta (Unification agreement). Sanca oo ahayd magaalo madaxdii hore ee Yamanta Waqooyi ayaa noqotay caasimadda dalka, halka Cadan oo ahayd magaalo madaxdii hore ee Yamanta Koonfureed, laga dhigay xarunta dhaqaalaha.

Labadda qaybood ee Yaman waxay soo mareen laba taariikhood oo kala duwan. Yamanta Waqooyi marna may galin gacmaha gumaysiga wakhtigii gumaystaha Yurub, halka Yamanta Waqooyi ay ku hoos jirtay gacmaha boqortooyadii Ingiriiska sannadihii 1839kii ilaa 1967kii.

1. Dagaalka Yaman.

Dagaalka sokeeye ee Yaman waxa uu soo bilawday, sannadkii 2015kii waxa aannu u dhaxeeya laba dhinac.

Xoogagga Xuutiyiinta ah oo gacanta ku haya caasimadda Sanca, iyaga oo gacansaar la leh xoogag daacad u ah madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax, walow ugu dambayn ay isku dhaceen, taas oo sababtay dhimashada Cali Cabdalle Saalax iyo kooxo daacad u ah dawladda iyo madaxweynaha la aqoonsan yahay ee Cabdurabbuh Mansuur Haadi, kuwaas oo xaruntooda u weyni tahay Cadan.

Dagaalkan waxa uu salka ku haya, arrimo siyaasadeed oo ka soo bilawday sannadkii 2011kii, kacdoonadii keenay in madaxweynihii muddada dheer xukumayay Yaman uu xilka ku wareejiyo, ku xigeenkiisii Haadi Mansuur.

2. Khasaaraha dagaalka

In ka badan 8, 600 oo qof ayaa lagu dilay Yaman, 49,000 oo qof ayaa na ku dhaawacmay. Dhibaatada badankeeda waxa keenay weerarada cirka ah ee ay ka geysteen xulafada uu hoggaaminayo Sucuudiga ee taageeraya madaxweynaha.

Khilaafka iyo cunaqabataynta ay ku soo rogeen xulafadu, waxa uu sababay in 20 Milyan oo qof ay u baahdaan, kaalmo bini’aadannimo, waxana ka abuurmay baahida cunto ee ugu weyn dunida. Labadda dhinac midkood na uma muuqdo in uu gaadhayo guul milatari dhawaanahan.

3. Maxay arrintan uga dhigan tahay dunida inteeda kale?

Waxa ka dhacaya dalka Yaman waxa uu dab ku sii shidayaa, xiisadaha ka taagan gobolka. Waxa uu sidoo kale werwer hor leh ku abuuray, reer galbeedka oo ka cabsanaya in weeraro kaga yimaaddaan, maadaama Yaman ay noqotay dal aan xasiloonayn.

Hay’adaha sirdoonka reer galbeedku waxay u tixgaliyaan “AQAP”, inay tahay kooxda ugu khatarsan, ururka AlQaaciida, maxaa yeelay khibradooda, sida ay dunida ugu faafeen iyo xulafaysigooda IS ee Yaman ayaa abuuraya walaaca ugu weyn.

Khilaafka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dawladda, waxa uu qayb ka yahay, awood ku dagaalanka gobolka ee u dhaxeeya shiicada Iiraan iyo sunnida Sucuudiga.

Carabta gacanku waxay ku eedeeyaan Iiraan inay taageerto Xuutiyiinta dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba, inkasta oo ay Iiraan diido arrintan, laakiin iyaga laftooda ayaa taageera madaxweyne Haadi.

DalkaYaman istaratiji ahaan waa muhiim, waxay ku dul taallaa biyo mareenka Bab al-mandab, biyo mareen cidhiidhi ah oo Badda Cas ku xidha Gacanka Cadan, halkaas oo ay ka gudbaan maraakiibta ugu badan dunida ee saliidda qaadaa( Oil shipments).

4. Gooni u goosatada (STC)

Raysal wasaaraha Yaman ayaa ku eedeeyay, xoogagga gooni goosatada ee koonfurta oo uu taageerayo Imaaraatku inay isku dayeen afgembi, ka dib markii ay qabsadeen xafiisyo dawladeed, muddo isku dhacyo dhimasho sababay ay ka socdeen magaalada Cadan.

“Waxa dhacayaa aad ayay u khatar badan yihiin, waxay saamaynayaan ammaanka, xasiloonida iyo midnimada Yaman. Sharci darradani waxba kama duwana, dembiyada ay ka samaynayaan Xuutiyiintu Sanca” Raysal wasaare Axmed bin Dagher ayaa sidaas yidhi.

Iska hor imaadyo ayaa ka qarxay Cadan xilli hore maalintii Axadii, ka dib markii ciidanka madaxweyne Cabdurrabbuh Mansuur Haadi oo ay taageerayaan ciidanka Sucuudigu, ay isku dayeen inay ka hor joogsadaan gooni goosatada ay taageerayaan Imaaraatku inay gudaha u soo galaan magaalada. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, 30 kale na way ku dhaawacmeen.

Golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurtu ( STC), waa dhaqdhaqaaq doonaya inay gaar u go’do koonfurta Yaman, waxay siiyeen madaxweyne Haadi in uu toddoba cisho gudahood, inuu ku eryo raysal wasaaraha iyo golaha ama uu waajihi doono in xukunka laga tuuro. Madaxweyne Haadi se ma yeelin, waxa aannu mamnuucay in goobaha dadweynaha la iskugu soo baxo.

Haddaba, haddii ay kooxda golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurtu ( STC), ay ku guulaystaan inay koonfurta ka gooyaan Yemen inteeda kale, maxay saamayn ku yeelan kartaa Soomaalilaan?

Iska hor imaadka dhex maray kooxaha ay kala taageerayaan, Imaaraatka iyo Sucuudigu ma kala jebin karaa xulafaddii uu Sucuudigu hoggaaminayay?

Haddii ay xulafadu iska hor timaad, dagaalka Yaman jihadee ayuu qaadi karaa? Yaa se ku guulaysan doona?

W/T: Jibriil Jirde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here