Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Wargaysyada Yurub Ka Qoreen Xidigaha Lakala Doonayo.

0
66

Suuqa kala iibsiga bisha January ayaa maalintiisii 30 aad galay waxayna wali kooxaha horyaalada Yurub ugu waa wayni raadinayaan suurtogalnimada ay saxiixyo cusub ku samayn karaan iyada oo waliba la ogyahay sida qiimaha ciyaartoydu uu si waali ah sare ugu kacay. Ilaa hadda Barcelona ayaa ah kooxda faa’iidada January heshay halka Liverpool iyo Chelsea ay ku soo xigaan balse waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu sare ukici doono dhaq dhaaaqa suuqa kala iibsiga ciyaartoydu.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa galaya waqtigii ugu muhiimsanaa iyada oo hal maalin oo kaliya oo ah maalinta suuqa ugu danbaysa taas oo noqon doonta kuwo si wayn muhiim ugu ah kooxaha Yurub. Haddaba shabada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo koobaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee ay wargaysyada Yurub ka qoreen xidigaha la kala doonayo.

 

Warka suuqa kala iibsiga ilaa hadda maanta ugu wayn ayaa ah in heshiiska ay Arsenal la gaadhay kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang aanu dhamaystirmi doonin ilaa inta ay badalkiisa suuqa ka helayso laakiin Arsenal lafteeda ayaa Dortmund ka caawin karta in Dortmund ay hesho Michy Batshuayi  haddii ay Gunners xidigeeda Olivier Giroud u ogolaato in uu Chelsea ku biiro balse sidoo kale maamulka Arsenal ayaa doonaya in heshiiska Giroud laftiisa ay ku hesho David Luiz taas oo ah in afar heshiis ay isku xidhan yihiin.

Chelsea ayaa iska diiday in ay wax dalab ah ka aqbali doonto Manchester City haddii ay xataa jabinayso rekoodhka suuqa kala iibsiga ee 222 milyan Euros-kii ay PSG kula soo wareegay Neymar Jr, iyada oo aan Blues doonayn in Hazard uu kooxdeeda ka baxo.(The Daily Telegraph)

Tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wali ku rajo wayn in Marouane Fellaini uu ku sii haysan karo Old Trafford laakiin waxa uu sheegay in aanu hubin in xiidga ree Belgium uu mustaqbal ku sii yeelan doono Man United sida uu qoray Sky Sports.

Chelsea ayaa haddii ay dhamaystiri kari waydo heshiiska Olivier Giroud waxay bartilmaameedsanaysaa xidigii ay xagaagii hore maalintii suuqa ugu danbeeyay wayday ee Fernando Llorente oo ka tirsan Tottenham sida uu qoray The Sun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here