Toni Kroos Oo Soo Dhaweeyay Dib Ugu Laabashada Kooxdiisii Hore Ee Bayern Munich, Kadib Hoos U Dhaca Ku Yimid Qaab Ciyaareedka Kooxda Uu Maamulo Zidane Ee Real Madrid.

0
107

Wargeyska caanka ah ee “Don Balón” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in khadka dhexe kooxda Real Madrid ee reer Germany Toni Kroos uu soo dhaweeyay dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Bayern Munich kadib marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

28 jirkan ayaa la fahansan yahay inuu doonayo ka dhaqaaqista kooxda caasimada ka dhisan ee Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan ka dib markii ay kooxda uu maamulo Zinedine Zidane ay ku timid hoos u dhac xili ciyaareedkan, iyadoo sidoo kale ay intaas sii dheertahay in Florentino Perez in isbadal xoogan uu ka sameeyo garoonka Santiago Bernabeu.

Inkastoo macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City uu si aad ah ula dhacsan yahay qaab ciyaareedka Toni Kroos isla markaana uu doonayo inuu kala shaqeeyo Etihad Stadium, hadala laacibka reer Germany ayaa wuxuu doonayaa in dib uu ugu laabto horyaalka Bundesliga gaar ahaan kooxda Bayern Munich.

Waxaa xusid mudan In hadalkan kasoo yeedhay Toni Kroos ay rajo xoogan ku abuuri karto kooxaha waaweyn ee qaarada yurub, kuwaasoo dhamaantood doonaya inay gacanta ku dhigaan saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid, waxaana ka mid ah  Liverpool, Manchester City iyo Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here