Sooyaalkii iyo Shakhsiyaddii Ibraahin Koodbuur!

0
80

Waxa aanu maalmahan si guud ugu guda jirnay ururinta Sooyaalkii Mujaahid Ibraahin Ismaaciil Maxamed (Ibraahin Koodbuur) Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyo’e.. Annaga oo helnay qaybo ka mid ah taariikhdiisa, haddana weli hawshu waa qabyo..

Waxa aan bahda Facebook la wadaagi lahaa dhawrkan weydiimood:
1. Ma tilmaami kartaa qof xog-ogaal u ahaa nolosha Ibraahin Koodbuur sida: ardaynimadii, waayadii ciidanka Soomaaliya, maalmihii SNM
2. Ma maqashay tix ku hal-qabsatay magaca Ibraahin Koodbuur?
3. Ma haysaa maqaallo laga qoray sooyaalkiisa?
4. Ma sheegi kartaa qof ay nolosha dunida arrimo ku gorfeeyeen oo shakhsiyaddiisii wax nooga iftiimin kara?
5. Haddii aad garan karto cid qoyskiisa ah oo nooga aqoon badan taariikhdii Ibraahin Koodbuur, fadlan nala wadaag..

Email, taleefan IWM hababka loo xidhiidho ayaad si guud ama si gooni ah noola wadaagi idanka Alle. Aragti, aqoon, erey, agab, adduun, iftiimin iyo taageero kasta oo aad ka geysan karto gudashada waajibaadkan waanu soo dhawaynaynnaa…
Mahadsanidiin

Siciid Maxamuud Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here