Neymar Jr Oo Shuruud Ku Xidhay Imaatinkiisa Kooxda Real Madrid

0
373

Real Madrid ayaa sii wadi doonta wadahadalada qarsoodiga ah oo ay la qaadaneyso aabaha dhalay xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain, maadaama ay qorsheeneyso inay dib ugu soo celiso xili ciyaareedka soo aadan horyaalka La Liga ee dalka Spain si uu xidho maaliyada kooxda Real Madridl.

Saraakiisha kooxda Los Blancos ayaa waxay doonayaan in ay ka faa’ideystaan rabitaanka Neymar Jr ee ku aadan inuu isaga dhaqaaqo kooxda uu haatan maaliyadeeda xidhan yahay ee Paris Saint-Germain, si uu u noqdo saxiixyada ugu muhiimsan ay sameyn doonto xili ciyaareedka soo aadan isla markaana loo rumeeyo riyadii madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez.

Real Madrid ayaa diyaar la ah inay xidiga u ogolaato mushaar gaarsiisan 37 million euros in sanadii uu ka qaato garoonka Santiago Bernabéu, si 25 jirkan uu dib ugu soo laabto horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Dhinaca kale Neymar ayaa lasoo warinayaa inuu shuruud kaga dhigay Real Madrid imaatankiisa Santiago Bernabéu inuu xidhin doono maaliyada No. 10-aad.

Waxaaa xusid mudan in No. 10-aad ee maaliyada kooxda Real Madrid uu xidhan yahay xidiga reer Croatia Luka Modric, tan iyo markii uu Los Blancos ka dhaqaaqay dhigiisa reer Colombia Jamis Rodríguez xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Real Madrid ayaa ugu oglaatay in Luka Modric uu xidho maaliyada No. 10-aad xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, go’aanka macalinka reer France ee Zinedine Zidane si uu ugu abaal mariyo kadib bandhigiisii cajiibka ahaa iyo shaqadii adkeed uu kasoo qabtay sanooyinkii lasoo dhaafay.

Si kastaba Los Blancos ayaanan dooneynin inay weyso adeega xidigeeda reer Croatia Luka Modric xili ciyaareedka soo aadan, taasoo dhibaato xoogan ka dhex abuuri karta gudaha kooxda ka dhisan caasimada, waxayna ku qasbanaan doonaan si loo fuliyo dalabka xidiga reer Brazil in kulan gaar ah ay la yeeshaan Modric si ay ugu qanciyaan in No. 10-aad uu xidhan yahay uu u dhaafo xidiga reer Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here