Mucaaradka Kenya Oo Maanta Madaxwayne-nimo U Dhaarinaya Raila Odinga.

0
59

(BRA-Nairobi)-Sida ay baahisay warbaahinta dalka Kenya, hogaamiyiha xisbiga Mucaaridka ah Rial Odinga ayaa maanta oo salaasa ah loo dhaarinayaa xilka madaxwaynaham inkastoo doorashadii 2017 dalkaas ka dhacday lagaga guulaystay.

 

Saraakiisha isbaheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay maanta ka dhici doonto beerta xorriyadda ee Uhuru Park, halkaa oo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigenkiisa Kalonzo Musyoka.  Warbixin ay  dhawaan soo bandhigeen ayay  ku shegeen inay ku guuleysteen doorashadii bishii 8aad ka dhacday Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsanyihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano qaran, ayna horseedi karto dil toogasho, sidoo kale laamaha amniga Kenya ayaa mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo na isku gedaamay fagaaraha Uhuru Park.

Bariga Afrika/Hargeisa/Office

Bariga2020@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here