Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

0
398

January 30,2018 (BRA-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo dhawaan uun talooyin hawada u mariyey.

Xasan Ciise Jaamac, madaxwayne kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland kana mid ahaa mujaahidiintii SNM ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay inuu umadda mideeyo isla markaana uu dhayo nabarradii ka dhashay doorashadii madaxtooyada.

Kulankan dhexmaray madaxwaynaha iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxaa ku wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, inkastoo aan la soo bandhigin waxyaabaha lagaga wadahadlay kulankaas hadana waxaan meesha ka maqnayn inuu Xasan Ciise madaxwaynaha u gudbiyey talooyinka ku aadan xaaladda dalka iyo kala qaybsanaanta bulshada.

Bariga Afrika/Hargeysa/Office

Bariga2020@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here