Hordhac: Swansea City vs Arsenal – Gunners Oo Dooneysa Inay Sii Wadato Waayaheeda Guulaha, Kadib Guushii Ay Kasoo Gaadhay Crystal Palace Kulankeeda Ugu Dambeeyay Ee Horyaalka.

0
45

Arsenal ayaa dooneysa iney sii wadato guulaheeda kadib markii ay guul muhiim ah ka heshay Crystal Palace kulankii ugu dambeeyay horyaalka, waxeyna markaan safar u tahay gobolka Wales halkaas oo ay kula soo ciyaareyso Swansea City.

Gunners waxey ogtahay in Liverpool ay qasaaro kala soo kulantay Liberty Stadium, kulankii ugu dambeeyay oo ay ciyaartoy horyaalka, sidaas darteed feejignaan weyn ayey ku jirtaa tiiyoo ay jirto iney si dadban ugu mashquulsan tahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Henrikh Mkhitaryan ayey suuragal tahay inuu kulankiisii ugu horeeyay ciyaaraha Premier League kasoo muuqdo isagoo xiran maaliyadda Arsenal, walow aan la ogeyn sida uu kaga qeyb qaadan karo kulanka.

Wararka Labada Kooxood:

Renato Sanches ayaa ka maqnaan doona Swansea City kaas oo dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray kulankii ay barbaraha la galeen Notts County ciyaaraha wareega 4-aad ee FA Cup, balse waxey kooxda dib u heli doontaa Federico Fernandez.

Arsenal waxey dib usoo dhaweyneysaa weeraryahanka mustaqbalkiisa shakiga la galinayo ee Olivier Giroud kaas oo dhaawac muruqa ah kasoo toosay, balse Danny Welbeck ayaa wali kooxda ka maqan.

XOGTA KULANKAN:

Kulanka: Swansea City vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garoonka: Liberty Stadium

Saacadda: 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Swansea City ayaa lumisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay Premier League la ciyaartay Arsenal, 1-guul ayeyna ka gaartay, waxaa xusid mudan in sadex guuldaro oo xiriir ah ay qaadatay.

Carlos Carvalhal waa macalinkii 7-aad oo ay Swansea City ku wajaheyso Arsene Wenger, sidoo kalana waa kulankii 14-aad.

Arsenal dhamaan goolal ayey dhalisay 6-dii kulan oo ay booqatay Liberty Stadium kulamada Premier League, kaliya West Brom oo ay 12-jeer shabaqeeda soo taabatay iyo Birmingham oo ay 7-jeer soo taabteen ayaa ka badan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Swansea City: Fabianski, Naugton, van der Horn, Fernandez, Mawson, Olsson, Dyer, Fer, Ki, Clucas, Ayew.

Arsenal: Cech, Bellerin, Koscielny, Mustafi, Monreal, Wilshere, Xhaka, Mkhitaryan, Ozil, Iwobi, Lacazette.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here