Deg-deg: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In 1.7 Milyan Oo Qof Ay Abaar Baahsani Ku Dhufatay.

0
93

January 30, 2018 (BRA-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa goordhawayd ku dhawaaqday in Abaar baahsani ku dhufatay deegaamada Somaliland.

Faysal Cali Sheekh, Guddoomiyaha Hay’adda U-diyaar garowga Aafooyinka iyo Keydka Raashin waxa uu sheegay in Abaartu saamaysay in ka badan Hal milyan iyo Todobo boqol oo qof oo u dhiganta 47% shacabka Somaliland.

Faysal Cali Sheekh ayaa caalamka iyo gancsatada Somaliland ugu baaqay in si midaysan looga gurmado dadkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayay qaylo dhaanta abaarta gaar ahaan deegaanada galbeedka Somaliland, illaa hadda se ma jirto wax gurmad ah oo ay heleen dadka abaartu saamaysay.

Bariga Afrika/Hargeysa/Office

Bariga2020@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here