Afhayeenkii Hore ee Madaxtooyada Oo Sheegay Inuu Madaxwayne Muuse Biixi La Kowsaday Duruufo Adag.

0
88

January 30, 2018 (BRA-Hargeysa)-Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo waraysi siiyey telefishanka Eryal ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku soo beegmay wakhti caqabado ka jiraan Somalland, waxaase uu sheegay inuu ka gudbi doono xilliga adag ee uu hadda ku soo beegmay madaxwaynaha.

 


Afhayeenkii hore Xuseen Deyr oo ka hadlayay caqabadaha madaxwaynuhu la kulmay ayaa sheegay in daan-daansiga Somalia uu mid yahay duruufaha adag ee madaxwaynuhu la kowsaday “Dabcan madaxwayne waliba nasiibkiisa ayuu la kowsadaa , Muuse Biixi waxaad moodaa inuu ku soo yar beegmay waxoogaa yar oo carqalad gudaha ah iyo taas aynu dalkaa Somalia is hayno laakiinse waxaan hubaa in xukuumadda uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi gadhwadeenka ka yahay inay ka baxayso duruufahan adag ee hadda soo food saaray ee ka mid tahay daan-daansiga iyo gardarrada qaawan ee ay Somalia ku soo qaaday”.
Geesta kale Xuseen Deyr ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la soo shaqayntii Madaxwayne Axmed Siilaanyo iminkana uu raalli ka yahay xil ka qaadista lagu sameeyey.
Ugu dambayn waxa uu sheegay inuu ka sii mid ahaan doono xisbga muxaafidka ah ee KULMIYE maadaama uu ku dhawaad 17 sano ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here