Side Baa Loo Qoraa Qormo Curis Ah? .Q1aad.

0
101

Badanaa laguma dhigo dugsiyada, habka loo curiyo qormooyinka , waxa uu ardaygu ka kasbadaa oo qudh, qoraalo jaantaa rogan ah, oo u ka daalacado jaraa’idada iyo mareegaha bulshada. Taas oo aan leysku halleyn Karin. Amase waxa yar oo  uu meelahaas ka bawsaday. Intaas yar oo aanu ku kaaftoomi Karin,

Taas waxa ay keentay in ay ardaydu kala kulmaan caqbado waaweyn xilliga imtixaanka,

Gaar ahaan curisyadda afka qalaad ku baxa, sida luuqadda Af ingiriisiga ah  oo kale ama carabiga,

Haddaba hadii uu Alle idmo waxa aan kuu soo bandhigi doonaa naxwaha guud, oo loo adeegsado af dhamaantiiba iyo xeerarka dajisan qoraalka gabi ahaanba ,

Aasaaska qorista mawduuc

waxa u aasaas ah qoraalka in la helo arrimo hordhac u ah oo ka mdi ah qaab qoraalka  mawduuc ama maqaalka taas oo  salidhi u yahay  seddaxdan arimood ee hoos ku xusan,

Fikir:-                                                                                                                                                                                        waa qaabka u tabinayo qofka  qalinka uu qaatay , fikirka  ka dhex -quuxayay ee uu  rabo in uu qayaxo ,uu na la damacsanyahay in uu  soo gudbiyo fikirkiisa xortaha ,

Hadday tahay fikir xasaasi ah oo caadifadeysan ama  fikir cilmiyeed  wacan oo muhiim ah inta  aanan galin mawduuc ah sidee baa loo qoraa ,                                                                                          Waxa yaalo badan oo gundhig u ah in  la illaaliyo   ayaa  jira  waxana ka mid ah :-                                      weedhaha:-                                                                                                                                                              Waa  in aad ku gaashaamantahay erayo badan oo aad ku cabireyso  ujeedkaaga si fudud , waxan muhiim ku ah in aad illaaliso fahanka wax aad qoraalkiis gudbineyso , umadana aad ka shaandhayso adigoo adeegsanaya erayada la fahmi karo .                                                                                       Habka :-                                                                                                                                                                               Habku waa laga ma maarmaan  in la raacaa si loo hirgaliyo hab qoraalka toos ah, taasan waxa aan ku sheegi doonaa xeerarka aan xusi doon haddii uu alle idmo waxa aan ku soo bandhig doonaa hab cilmiyeysan .

dhiraandhirinta  fanka curinta mawduuc ah.

dhiraandhirinta  qoraal  ma hawlyari,waxa lagama maarmaan ah in la maro hab  wax lagu curiyo ,oo ah tub jeexan oo qofka doonaaya loo calaamadiyo nidaam uu raaco  iyo tallooyin uu ku socdo.

.Waxa loo maraa hab qoraalka  dhiraandhirinta curiska mawduuc  ah ,  siddeed   marxaladood oo kala ah sida tan soo socota:-

1.   Qayixitaan :cadayn

2.   Faaleyn:faaqidaad

3.   Tusaaleyn : muujin

4.   Qaybin :kala gayn

5.   Is barbardhigid:

6.   Sababayn :

7.   Natiijo:midho

8.   Khulaasayn:gunaanad

Qoraalku ka ma soo hadho joogtaynta iyo sameynta qoraallo faro badan oo  aad diyaariso

Haddaba Akhriste aan ku yar nasano is dultaaga sideedaa hab ee loo qora mawduuc aanad waligaa iyo waaqaa hesheen in aad  curiso.  balse ay suuragal noqoneyso in aad bog dhan oo buuxa ka diyaariso adiga oon wakhtiga badan kaa qaadan qoristeedu.

afka uu doono ha sheegtee haddaad sideedan hab raacdo waxa aad heshay furayaasha fududeeya hab-qoraalka kooban waxa kuu fududaanayaa curis-kasta oo laga dalbado in aad curiso si sahlan baad u qoraysaa qormadaa curiska ah ee lagaa dalbaday , waa haddii aad fahanto akhriste habka mawduuc curis ah. oo ah taa halka sare aan ku soo carbaabney.

1)Qayixitaan:cadayn

Qayixitaanku:

waa in la cadeeyo sheyga marka la qayaxayo waxa uu ku soo uruuraa in la cadeeyo  arimahan ay ka kooban tahay walxaha qayixitaankuAl[1]laaba caddeeyo , oo ah in uu muujiyo sheygaa la cadeynayo hadday tahay:                                                                                                                                                                          Falka  , walaxda  ,tayada , shaqadaa . awood,abuurka, xiliga ,muuqaal,Intaas oo qaar ka mid ah ama gabi ahaantood lagu sifeeyo lana sheego shayga la qayaxayo, markaas baa la odhan karaa waa la cadeeyay ama waa laqayaxay walaxdeeda la doonayay in la tabiyo xogteeda,                                                                                                                                                       Tusaale aynu ku muujino arintaas innaga oo tusaale u soo qaadanayan weedha barakeysan ee Tawxiidka  qayixitaankeed  Allahayaw noo fududee,

Tawxiidku:- waa kaliyeelida Alleh loo kalliyeelo, rabbi kaligee dhamaan noocyadda iyo muuqaaladda ay cibaadadu leedahay , teeda yar iyo teeda weynba, waxana lid ku ah in cid la la wadaajiyo cibaadadiisa uu adoomaha  uu ku waajibiye ,

La lama wadaajin-karo, cid karaamo leh sida nabiyada malaa’igta iyo awliyada.ama aan sharaf laheyn sida shaydaanka iyo maydka iyo sanamka iyo saliibka iyo qaar kale oo siloon duli  Allah saaree  aamiinta igu dar..

Intaas kaga kaalay Akhriste noqdadii koobaad ee  Aheyd qayixitaanka

2)Faaleyn:faaqidaad

2:Faaleyn:-waa xog bixinkasta taas oo lagu cadeynayo  walxo badan amma tilmaamo  badan iyadoo waliba la muujinayo badkana la soo dhigayo sumada ay baadi-sooc ay ku leedahay, hadday tahay muuqaalka , dherarka, xajmiga, miisaanka , keega muuqada iyo keega aan muuqan dun iyo Dacal waxay tilmaamo ay leedahay ayaa la huwinayaa mid la taaban-karo iyo mid aan la taaban-karinba.

Inta kadibna waxaynu akhriste tusaaleyn-doonaa oo isku dayeynaa in aynu faallo ka kooban ka bixino mawduuc aynu tibaaxnay ee tawxiidka ahaa halkii inaga oo ka sii anbo qaadidoona,

 

Tawxiidku:waa baadisooc iyo ugu weyn  ee dhamaan diimaha caalamka oo dhan uu kaga soocanyahay islaamku, waanna fariinta ugu culus ee  Alle iyo rasuulkiiba ay ku baaqayaan dunida oo dhan  la doonayo in ay gaadho,                                                                                                       Waa U jeedada ugu weyn ee uu alle u abuuray jin iyo insiba oo ah tawxiidka iyo islaamnimadda ,waa dariiq kaliyee lagu hello  raali-ahaansha rabbi  , cadhadiisan

Lasoco Qaybaha Dambe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here