Sheeko Kale: Wehel Doon! Cabdisalaam Yaasiin

0
36

Laan geed  ku taal ayaa laan kale u cabatay. Waxay tidhi, “Dunidi sanqadh iyo sunqudh toona ma leh. Talow maxa dhacay?”

“Malaha saxal baa ina fuulay”, ayay u celisay laantii kale.

Laamihii oo waayahooda ka walbaarsan, ayaa laan walba waxa ku soo degtay qoolay.

Labadii qoolay ayaa midi weydiisay tii kale, “Maxaad la baala daymoonaysaa? Ma wax baa kaa lumay?”

“Wehel doon baan ahay; oo wehel kaygii ayaan meel uu jaan cidhib dhigay waayay!”

“Aniga wehelkaygi waa jooga. Waana wada shamirnaa; oo wada shirbaynaa,”.

Intaa markay is weydaarsadeen, ayay tii wehelka lahayd iyo wehelkeedi wada shamireen, oo shirbeeyeen, oo heeseen.

Qoolaydii aan wehelka lahayn ayaa xanaaqday.

Iyada oo cadhaysan ayay ku tidhi labadii kale, “Qaylada iyo buuqa inaga daaya. Geedkuna yaanu inla dhicine ha shamirinoo oo ha shirbaynina.”

“Bal aan eegno in aanad shamirin oo shirbaynin marka aad wehel hesho, Wehel Doon,” ayay u celiyeen.

Laamhii geedka ayaa dareenkoodi isbedelay oo yidhi,”Waar dunidu ilayn gelinba waa cayn. Sow tan gurxanki yeeday ee layna gabagabeeyay!!!”

 

prof.abdisalaam@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here