Shalay iyo Maanta: Maxaa Iska Bedelay Aragtida uu Ambasaddor Cawil Ka Haysto Madaxwaynihii Hore Axmed Siilaanyo?

Shalay: “Waxa Aan Qabaa In Uu Siilaanyo Yahay Ma Xishoode, Haddii Dambiile Ummadani Leedahay Dambiilaha Koowaad Waa Siilaanyo” Maanta: “Doorashadii 2013-Dii Siilaanyo Waxa Uu Daahir Riyaale Kaga Helay 80 Cod, Waxaanu Geesinimo U Yeeshay In Uu Yidhaahdo Waa Layga Helay”

0
39

Hargeysa (BRA)-Wasiirkii wasaaradda maaliyadda ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa hadalo is burinaya ku sifeeyey Madaxwaynihi hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo mudadii uu mucaaridka ahaa iyo markii uu guulaystay kadib.
Ambasaddor Cawil oo hore ugu eedeeyey Madaxwayne Siilaanyo inuu ka dambeeyey dilka saraakiil SNM ah sidoo kalena ku sifeeyey shakhsi ma xishoode ah ayaa waraysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay inuu taageero weyn ku kasbaday markii Siilaanyo aqbalay natiijada doorashada ee 80-ka cod lagaga guulaystay.
Ugu horrayn Ambassador Cawil oo wakhtigaa ahaa wasiirka Maaliyadda Daahir Riyaale ayaa isagoo sifaynaha Madaxwayne Siilaanyo waxa uu yidhi:
“Waxa aan qabaa in uu Siilaanyo yahay ma xishoode, ma xishooduhuna marka laga xishoodo waxa uu moodaa in laga hamranayo, haddii ciddi dambi ka gashay ummaddan runta ayaynu isku sheegaynaaye xaqiiqda ayaynu taabsiinaynaa waynu kala leexleexanay waanu ka xishoonay dib dambe u xishoon mayno, haddii dambiile ummadani leedahay dambiilaha koowaade waa Siilaanyo, warar sugan ayaanu haynaa” isagoo hadalkiisa sii wata ayaanu yidhi “waxa aan xasuusta markii uu Siilaanyo u taagnaa tartanka Madaxweynenimada way qoreen in uu nimankaasi dilkooda ka dambeeyay”.
“Doorashadii 2013-dii murrashaxii Axmed Siilaanyo waxa uu Daahir Riyaale kaga helay 8o cod, Axmed Siilaanyo waxa uu geesinimo u yeeshay in uu yidhaahdo waa layga helay oo uu aqbalo 80-ka cod” waxaana uu intaas ku daray “Murrashax 80 cod lagaga helay oo si sharafle u aqbalay, ilaa beesha uu ka soo jeedo ayaa sharaf heshay waayo markii 80-kaa lagag helay beeshii wadatay ee bariga Burco Suldaan, Siyaasi iyo ganacsato ka hadlay ma jiro waa sharaf weeyi”.
Shacbiga Somaliland ayaa baraha bulshada ku qaadaadhigay isbedelka ku dhacay aragtida wasiir Cawil ka qabo madaxwaynihii hore Axmed Siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here