Qalab Cusub Oo Lagu Dawaynayo Khuurada Oo Dhawaan La Soo Saaray

0
70

Khuuradu waa dhibaato aad u badan oo soo waajahda dadka qaarkood taasi oo qofka ay
halleeshaa uu mutto dhib aad u badan.
Qofka khuuriya marka uu seexdo waxa dhibsada dadka wada hurdaan gaar ahaan
xaasaska is qaba, dalalka qaarkood ayaa waxa laga soo wariyay in lammaane is qabaa ay
maxkamado isla galeen khuuradaasi awgeed xukunkii ka soo baxayna waxa uu noqday
inay kala tagaan maadaama oo xal khuurada lagu baabiiyo loo waayey labadaasi
lammaane koodii khuurada badnaa.

Haddaba, waxa dhawaan la soo saaray Lesar cusub oo loogu tala galay dadka khuuriya,
qaliinkan cusub oo lagu daawaynayo khuurada ayaa waxa fulin doona dhakhaatiirta ilkaha.
Qaliinka cusub ee lagu dawaynayo dadka khuuriya ayaa waxay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen
inuu ka mid yahay qaliin fudud, waxaana dhawaan qaliinada noocaasi oo kale ah ay dadku
ka heli doonaan dhakhaatiirta ilkaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here