Nin Walaalkii Goo’goonayaa Guul Ma Haybsado? (W/Q: Mahad Muxumed C/salaam)

0
22

Colaadaha qabaliga ah ee badi kusoo noqnoqda deegaanada somaliland ee ay ugu danbaysay tan ceel afweyn waa masiibo aduunyo iyo mid aakhiro

Waayo waxaad dishay walaalkaa oo ku garab istaagi lahaa aduunyada

Aakhirana waa cadaab daran oo ilaahay inooga waramay.

Waxlasheego oo macne leh layskuma hayo laakiin waa jahli ficil loo bedelay

Waana ayaan daro in kii kuugu xigay ee dariska dabka kala qaata ahaydeen aad cadaw ka dhigato. Qofwaliba wuu dareemayaa xanuunka ay leedahay colaada sokeeyaha soo ah kugu dhimay oo kaa dhimay. Sidaa daraadeed waxa muhiima in laga guntado sidii dhibaatadaa foodha xumi aanay markale dib u dhicin.

Xukuumada ayaana waajibka kowaad saaran yahay

Culimaduna waa inay dadka deegaanka wacdiyaan, hogaanka dhaqankuna waa inay si dhexdhexaad ah uga hawl galaan.

Si guudna waa masuuliyad qofwalba saaran inuu kaqaybqaato suluxa iyo heshiisiinta beelahan walaalaha ah.

Wakhtiga maanta la joogo looma baahna colaad aan macno ku dhisnayn iyo geeri laga naxo

Dadkuna noloshooda kale ayaaba culaysisay

Waxa muhiima in walaalkaaga jaarka kula ah aad qadariso

Waxna laqabsato waayo noloshu waa iskaashi.

Walaaladay waxaan lee yahay maaha colaad aad raali ka tihiin laakiin iska qabta balaayo oogaha dhinac kaliyana ka istaaga wada noolaanshaha iyo walaalnimada

(Email: saabirmmc@gmail.com)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here