Maalqabeen U Dhashay Ruushka Oo Furay Gabadh Uu Dhalay Madaxwaye Putin, &Saamaynta Hantidiisii Ku Yeelatay !

0
54

Maalqabeenka u dhashay Dalka Ruushka ee Kirill Northov ayey hoos u dhacday hantidiisii,
sidoo kalena waxa uu waayay xilkii uu ka hayey shirkada Sibur.
Maalqbeen Kirill ayaa la sheegay in sababta dhibaatooyinkaasi ku keentay ay tahay
Furiinka gabadha uu dhalay madaxwayne Putin ee magaceeda la yidhaahdo Katrina
Tihonova.
Lammaanahan ayaa waxay is guursadeen sanadkii 2013kii waxaanu xilligaasi arooskoodii
ka dhacay Magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco.
Kirill ayaa waxa la xaqiijiyay inay hantidiisu kor u kacday kadib markii ay Katrina is
guursadeen waxaanay hantidiisu gaadhay Laba Millyaar oo Dollar lacag ka badan,
wakaalada wararka ee The Telegraph oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxay
baahisay in aan gudaha Dalkaasi Ruushka laga ogoleyn in laga hadlo nolosha gaarka ah ee
labada gabdhood ee uu dhalay Madxweyne Putin ee Katrina iyo Marina, balse waxay
xogtaasi sheegaysaa in Katrina iyo saygeedu ay kala tageen ay tahay mid si sir ah loo
helay.

Sababta hoos u dhigtay Hantida Killir ayaa waxay tahay in kalsoonidii loo hayay laga
noqday taasoo aheyd inuu ka tirsanyahay qoyska ka taliya Dalka Ruushka, maadaama oo
uu qabay gabadha uu Dhalay Madaxwynaha dalkaasi waana sababta sidoo kale looga
qaaday xilkii Guddoomiye ku xigeenka fulinta ee shirkadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here