Ma doonaysaa in aad hesho Farxad?

0
45

1. Raadi Raali ahaanshaha Alle. Samee wixi Alle ku faray. Kana fogow wixi Alle kaa reebay

2. Noqo mid Mahadnaqa. Ku shugri Nimcooyinka Alle ku siiyay. Tani waa ficil ka mid ah Cibaadada in aad noqoto Adoon Shugri badan

3. Dhoolacadee mar kasta xitaa hadii aad ku sugan tahay xaalad adag

4. Ka fogow is bar-bardhig Aduun. Yaa taajirsan? Yaa cilmi badan? Yaa qurxoon? Yaa caansan? Iwm

5. Rejee Kheyr mar kasta. Ka filow wanaag qof kasta iyo dhib kasta. Xusuusnow mar kasta in culays kasta uu ka dambeeyo fudayd

6. Hel hurdo iyo nasasho kugu filan. Ka fogow soo jeed macno darro ah. Jirkaagu wuxuu u baahan yahay hurdo ku filan si aad wax qabad iyo wax soo saar fiican u yeelato

7. Ka adkow carabkaaga. Ku hadal hadal wanaagsan. Ka fogow dood iyo muran badan

8. Cun Xalaal. Iska ilaali in aad qaadato wax aadan lahayn ama dadku leeyihiin. Kuuma keenayso wax aan ka ahayn kadeed iyo deganaan la’aan

9. Ku mashquul dantaada. Ha dayicin waqtiga. Dib ha u dhigan hawl kuu taalay. La dagaalan caajis iyo wahsi

10. Jimicso. Jirkaagu sida cuntada ugu baahan yahay ayuu jimicsi ugu baahan yahay. Samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta, Jirkaaga ayaa kuu mahadcelin doona

11. Caawi dadka. Xiriiri qaraabada. Booqo bukaanka. Samee axsaan badan mar kasta xitaa hadii adigu aadan dib u helin

12. Waqti fiican la qaado qoyskaaga. Sare u qaad xiriirka kaala dhaxeeya. U muuji Jaceyl badan inta aad wada joogtaan ma garanaysaan qofka ku hormari doona in uu aduunkan ka tago

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here