Dood Furan Iyo Masalo Dhaqaale..W/Q Yasiin Calase

0
19

Dood Furan Iyo Masalo Dhaqaale..W/Q Yasiin Calase

Dhibta qiimo dhaca shilinka iyo sicir-bararka isbarkan waxa ay xukuumadu u aragtay in uu sababay ama ka dhashay adeegsiga xoogan ee Dollar-ka.

Kaas oo suuqa ka saaray adeegsigii shillinka oo qiimotiray lacagtii dalka. Kadib markii waxba lagu kala iibsan waayay Shillinkii.

Waxa kale oo ay sheegen in dalkeenu yahay dal wax lasoo daga/dhoofsada oo aan waxba soo saarin. Taas macanaheeduna waxa weeye. In hadii dal aduunka wax kasoo iibsada uu u baahanyahay lacag adag oo Dollar ah si uu wax ugu soo iibsado.

Si hadaba ay xal ugu hesho dhibta ula muuqatay in ay tahay ama ka dhalatay isticmaal yaraanta Shillinka iyo isticmaalka xoogan ee Dollarka.

Waxa ay go’aamisay xukuumaddu Talaaboyinkan soosocda

1. In Adeega ZAAD iyo E_Dahab laga saaro waxii ka yar $100. Si loo yareeyo wax ku iibsiga Dollarka, sidoo kalena kor loogu qaado isticmaalka shilinka.

2. Wax ay ruqsaadii kala noqotay shirkadaha waa weyn ee haysta ruqsada sarifka. Sida DahabshiilTelesomOomaar iyo Indho_Deero. Waxaana adeeg sarifka hada bixinaaya Baanka Dhexe ee Somaliland.

WAYDIIN.

Hadaba su’aashaydu waxa weeye hadii sida ay doonayso dawladu ay dhacdo, oo ah in suuqa wax lagu kala iibsado shillinka oo meheradaha dalku wax ku iibiyaan Somaliland shillin, kordhana isticmaalka Shillinku. Meeshana laga saaro adeegsiga badan ee Dollarka oo uu yaraado Dollar wax ku iibsigii.

Maxaa dhacaya oo aad filaysa muwaadin?

Ma in sicir-bararkii hoos u dhacayo? Mise in mushkiladii ay siibato? mise in wax walba sidoodi iska sii ahaanayaan?

1. Ma u aragta in qiimo loo yeelay shillinkii mark isticmaalkiisa la badiay oo dadku wax ku iibsadaan inta badan SLsh?, mise in la qiimo riday/tiray ayaad u ragta shillinkii marka isticmaalkiisa la kordhiyay? Sababee hadba ta aad aamisantahay.

2. Maxaa ku dhacaaya suuqa sarifka ee dalka? marka ku iibsiga shillinku kordho ee uu hoos u dhaco ku iibsiga Dollarku?.

waxa aan ka codsan lahaa in ay ka jawaaban dadka aqoonta u leh Dhaqaalaha ama Maaliyadda. ama aad ku xusuto xaga hoose si uu uga fikir dhiibto qof aad ku ogtaha in uu aqoon u leeyahay.

MAHAD SANID

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here