Baylahda Ka Jirta Garsoorka Dalka!: Maxamuud Jaamac Yuusuf

0
54

Waxaynu warbaahinta dalka ka maqalnaa waxaa la xaliyay kiis sanadado badan soo taagnaa, iyo warar aad moodo iidheh ‘advertisement’ oo lagu amaanayo maamulka garsoorka dalka.

Waxaa marag madoon ahin bulshada Somaliland ay baahi wayn u qabto dhinaca sharciga isla markaana ay u baahantahay waxqabad dhab ah iyo in laga kaafiyo loona hagarbaxo shaqada garsoorka.

Hadaba,  waxaynu qoraalo xidhiidha maalmaha soo socda kusoo qaadan doonaa kuna lafa guri doonaa baylahda ku gadaaman garsoorka Somaliland ee ay indhaha ka qarsanayaan maamulka garsoorka Somaliland, inagoo ugu horaysiin doona sida maamulka garsoorka Somaliland ka yeelay maxkamadii gobolka hawd.Waxaa kale, oo ka mamnuuca shaqada garsoorka inaad cidgaara newcbaato iyo inaad cidgaara jeclaato bulshada aad u adeegayso, qaraabo kiil, iyo inaad dadka soo kala dhawaysato.

Waxaynanu ku lafa-guri doonaa qoddobo ay ka mid yihiin

1.      Maxay kaga duwan tahay maxkamada gobolka hawd maxkamadaha qayrkeeda sida kuwa ku yaala gobolada GABILAY, DAADMADHEED IYO CAYNABO?

2.      Siduu ahaa xaalka maxkamada gobalku ka hor mudadii ay xilka hayeen maamulkan garsoorku?

3.      Imisa garsoore ayaa jooga maxkamada gobolka HAWD? Sidoo kale imisa garsoore ayaa jooga goboladaa kale ee aynu soo sheegnay?

4.      Maxay ku mutaysteen reer hawd ficiladaa uga iyimi maamulka garsoorka dalka?

5.      Maxay yeelaan bulshada gobolka hawd marka ay lasoo gudboonaadaan baahiyo sharci?

 

Maxamuud Jaamac Yuusuf

Hargeisa,Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here