Ninka Ugu Dheer Aduunka iyo Haweenayda Ugu Gaaban Oo Masar Socdaal Ku Tagay + Sawirro

0
896

Ninka aduunka oo dhan ugu dheer oo lagu magacaabo Sultan Kosen, kana soo jeeda dalka Turkiga oo uu dhererkiisu yahay 251 centimetres, iyo haweenayda ugu gaaban oo aduunka oo lagu magacaabo Jyoti Amge una dhalatay dalka India, oo uu dhererkeedu yahay 62.8 centimetres, ayaa socdaal dalxiis ah ku tagay dalka Masar.


Socdaalka labadan qof ee lagu qoray buugga dhacdooyinka aduunka ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay ku tagaan dalkaasi, waxaanay soo booqdeen buuraha ahraamta ee dalkaasi ku yaala oo ah meelaha ay dadku u dalxiiska tagaan.
“Waa Riyo ii rumawday” sidaasi waxa warbaahinta wadanka masar u sheegay Kosen, waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku tagay dalka Masar.
“In aad soo daawato buuraha ahraamta ee dalka masar, sawiro aad ku soo gasho, in aad soo aragto mucjisooyinka iyo xadaaradii hore ee dalka masar waa arrin qariib ah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


dhinaca kale Haweenayda ugu gaaban aduunka ee lagu magacaabo Jyoti Amge ayaa sheegtay in wadamada Masar iyo India ay wax badan ka wadaagaan dhinaca xadaaradaha “Dadyoowga wadamada Masar iyo India dhinaca xadaarada waa iskaga mid, waxaanay dhaxaleen xadaarado soo jiray kumaanaan sano” ayay tidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here