Qaar Ka Mid Ah Shirkadaha Qaadka Ka Ganacsada Oo Bilaabay Inay Ka Dhuuntaa Cashuurta Qaadka Kastamka Kalabaydh,Iyo Gaadiid Badan Oo Qaad Sida Oo Hargeysa Koon Fur Ka Maray+Ciidan Badan Oo Ku Baxay.

0
48

Qaar ka mid ah Shirkadaha Qaadka ka ganacsada ee Somaliland ayaa sida la sheegay maalmihii u dambeeyay bilaabay inay Cashuurta dawlada ka dhuuntaan,waxaanay gaadiid badan oo qaad Kootarabaan ah sida ka gudbiyeen deegaanka Xuduuda koonfur ugu toosan Magaalada Caasimada Ah ee Hargeysa halkaasi oo sida la sheegay saaka Ciidamo badani ku baxeen si ay talaabo uga qaadaan gaadiidkaasi kootarabaaninaya Qaadka ee ka baxsanaya Cashuurta Kastamka kalabaydh ee Gobolka Gabiley.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay Shalay ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo badan oo kuwa booliiska ah ee Koontarabaanka la dagaalama ee Somaliland oo gaadiid badan wataa ay shalay aroortii hawlgal ugu baxeen deegaamada Koonfurta Hargeysa ee Baligubadle iyo salaxlay halkaasi oo la sheegay inay si caadi ah maalmihii u dambeeyay u isticmaalayeen oo ay marin u ahayd Gaadiid qaad kootarabaan ah sida oo ay leeyihiin qaar ka mid shirkadaha Qaadka ka ganacsada ee Somaliland kuwaasi oo ka dhuumaya Cashuurta ku waajibtay,Waxaanu qaadkaasi uu ka mid yahay Qaadka ka soo go’a dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Waxa uu qaadkani soo mari jiray oo awal lagu cashuuri jiray Kastamka Cashuuraha ee ku yaala Magaalada kalabaydh ee Gobolka Gabiley,kaasi oo ah Kastamka ugu wayn ee Qaadka Itoobiya inaga soo gala lasoo mariyo ama lagu cashuuro. Waxa ay shirkadahani si caadi ah qaadkooda u soo marin jireen Kastamkaasi balse lama garanayo sababta ku kaliftay inay wakhtigan Qaadka kootarabaaniyaan,iyadoo ay hadda uun Xukuumad Cusubi dalka qabsatay. Wararkan ayaa intaasi ku daray in Gaadiidkaasi Shirkadaha ee Qaadka kootarabaaniyaa ay ka soo gudbaan dhinaca Itoobiya iyagoo si toos ah uga yimaada Dalka Itoobiya,kuwaasi inta badan la sheegay inay ku jahaysytaan dhinaca Gobolada Bariga Somaliland gaar ahaa Magaalada Burco,iyo dhulalka ka shisheeya,waxaanay si toos ah u Maraan oo ay uga gudbaan Dhulka Dhinaca Xuduuda Raacsan iyagoo dhinaca bari u jihaysta.
Ciidamadii ugu badnaa ayay Xukuumadda Somaliland ku daad guraysay Gobolka Sool gaar ahaan Deegaanka Tukoraq oo ay shaqaaqo dagaal oo u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya ka jirto,lamana garanayo inay arintaasi saamayn ku yeelatay Ciidamadii illaalin jiray Xuduudaha iyo Kootarabaanka ka soo gudba dalalka aynu jaarka nahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here