Filim Ay Soo Saartay Shirkada Booliwood Ee Dalka India Oo Dhaliyay Khilaaf Xoogan Oo U Dhexeeya Bulshada Iyo Qisada Uu Xambaarsan Yahay Filimku

0
62

Filimka muranka badan dhaliyay ee Bollywoodee lagu magacaabo Padmaavat, ayaa dibadbaxyo muddo bilooyiin ah socda ka dhaliyay dalka Hindiya.

Filimkan ayaa ka sheekaynaya qiso dhacday qarnigii 14 aad taasi oo dhex martay boqorad Hinduu ah iyo boqor Muslim ah.

sharaxaad Dheeraad Ah oo laga bixiyay sababta Hinduuda garabka midig iyo kooxaha dabaqada sare ay uga caroodeen taariikhdan qadiimiga ah.

Muxuu ku salaysan yahay muranka?

Xidigaha Bollywood ee kala ah Deepika Padukone iyo Ranveer Singh ayaa door muhim ah ka ciyaaraya jilidda filimkan.

Sheekadda filimka ayaa ku salaysan qarnigii 14 aad oo boqor muslim ah oo lagu magacaabo Alauddin Khilji uu weeraray boqortooyo ka dib markii uu caashaqay quruxda boqoraddooda oo lagu magacaabi jiray Padmavati, oo ka soo jeeda Hinduuda gaar ahaan qabiilka Rajput.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here