Maamulka Premier League ayaa soo saaray habka ay TV-yada u kala qeybsan doonaan tabinta ciyaaraha horyaalka ee dhici doona bisha Maarso, waxaana kulan weyn oo dunida si weyn looga wada sugayo helay Sky Sports.
Hillinka Sky Sports wuxuu durba helay kulanka ugu weyn Ingiriiska waana kan dhexmari doona Liverpool & Man United, waa kulan weyn oo faa’iido weyn ay ugu jirto kooxda hogaamineysa horyaalka ee Manchester City madama ay labaduba tartan ugu jiraan horyaalka.
Dhanka kale kulanka Arsenal & Manchester City ayaa ka mid ah kulamada bisha Maarso, waxaana la ciyaari doonaa Khamiis, waana kulamada dhifka ah ee dhici doona waqtigaas inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan.
Sidoo kale Citizens waxey heli doontaa kulan kale oo weyn, madama ay maalin Axad ah la ciyaari doonto Chelsea, waana kulan kale oo ay dhaqaale badan ka heli doonaan.
Man City ayaaa ah kooxda ugu badan ee kulamo ciyaari doonta madaama ay ciyaari doonaan shan kulan, sidoo kalana Arsenal ayaa heli doonta afar kulan halka Red Devils ay heshay 3-kulan.
KULAMADA HORYAALKA PREMIER LEAGUE EE MARCH:
Thursday 1 March
19:45 Arsenal v Manchester City (Sky Sports)
* Waxey ku xiran tahay suuragalnimada ay Citizens kula falgaleyso kulanka ku celiska wareega 5-aad ee FA Cup-ka.
Saturday 3 March
12:30 Burnley v Everton (Sky Sports)
17:30 Liverpool v Newcastle United (BT Sport)
Sunday 4 March
13:30 Brighton & Hove Albion v Arsenal (Sky Sports)
16:00 Manchester City v Chelsea (Sky Sports)
Monday 5 March
20:00 Crystal Palace v Manchester United (Sky Sports)
Saturday 10 March
12:30 Manchester United v Liverpool (Sky Sports)
17:30 Chelsea v Crystal Palace (BT Sport)
Sunday 11 March
13:30 Arsenal v Watford (Sky Sports)
16:00 AFC Bournemouth v Tottenham Hotspur (Sky Sports)
Monday 12 March
20:00 Stoke City v Manchester City (Sky Sports)
Friday 16 March
20:00 Tottenham Hotspur v Newcastle United (Sky Sports)
*Kulankaan wuxuu ku xiran yahay suuragalnimada ka qeyb galka wareega 6-aad ee koobka FA Cup.
Saturday 17 March
12:30 Burnley v Chelsea (Sky Sports)
17:30 Liverpool v Watford (BT Sport)
*Kulamadaan waxey ku xiran yahiin suuragalnimada ay kaga qeyb galayaan wareega 6-aad ee koobka FA Cup.
Sunday 18 March
13:30 West Ham United v Manchester United (Sky Sports)
16:00 Manchester City v Brighton & Hove Albion (Sky Sports)
*Kulamadaan waxey ku xiran yahiin suuragalnimada ay kaga qeyb galayaan wareega 6-aad ee koobka FA Cup.
Saturday 31 March
12:30 Crystal Palace v Liverpool (Sky Sports)
*Kulankaan wuxuu ku xiran yahay suuragalnimada ah dhaqaaqa ay u sameyaan kooxaha PL-ka tartanka Champions League talaadada xigta.
17:30 Everton v Manchester City (BT Sport)
Sunday 1 April
13:30 Arsenal v Stoke City (Sky Sports)
16:00 Chelsea v Tottenham Hotspur (Sky Sports)