Khabiirka Sky Sports & Kubbada Cagta Spain Ee Guillem Balague Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Man City U Doonayso Difaaca Bilbao Ee Aymeric Laporte.

0
32

Khabiirka Sky Sports iyo kubbad cagta Spain ee Guillem Balague ayaa sheegay in Manchester City ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiiska difaaca kooxda Athletic Bilbao ee Aymeric Laporte wuxuuna sidoo kale sheegay in Liverpool ay dhawaan su’aalo ka waydiisay kooxda Bilbao sida ay ku heli karto Laporte.

Guillem Balague ayaa cadeeyay in Manchester City ay bixin doonto 65 milyan euros iyo waliba 5 milyan euros oo ah in uu ka soo baxay xarunta da’yarta Bilbao taas oo la micno ah in xidigani uu ku qiimaysan yahay 70 milyan euros oo u dhigtanta 60 milyan gini kaas oo noqon kara difaaca labaad ee kubbada cagta adib ugu qaalisan.

Khabiirka Sky Sports iyo kubbada cagta Spain ee Guillem Balague oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Manchester City waxay rajaynaysay in ay bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo 2016 kii laakiin ciyaartoyga ayaa go’aansaday in aanu ku biirin. Waxaan filayaa in City ay ku kalsoon tahay in waqtigan uu haa odhan doono, qof kastaaba waxa uu filayaa in heshiisku uu dhici doono maalmaha soo socda”.

Guillem Balague oo ka hadlaya lacagta lagu iibsan karo Laporte ayaa yidhi: “City aa in ay Laporte ka bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo ah 65 milyan euros + 5 milyan euros oo ah xuquuqda soo barbaarintiisa. Waxa uu ogolaan doonaa heshiis afar sano iyo badh ah. dhawaan Liverpool ayaa isaga wax ka waydiisay”

Haddii sida la filayo ay Manchester City heshiiska Aymeric Laporte ku dhamaystirto 70 milyan euros waxa uu noqon doonaa difaaca labaad ee taariikhda kubbada cagta ugu qaalisan isaga oo ku xigi doona Virgil Van Dijk oo ay Liverpool ka soo bixisay 85 milyan Euros.

Aymeric Laporte ayaa horeba u soo jiitay indhaha kooxaha Yurub ugu waa wayn iyada oo Barcelona waqti dheer doonaysay halka Real Madrid iyo Manchester City ay horeba uga mid ahaayeen kooxihii doonayay.

Manchester City ayaa sidoo kale isha ku haysa in ay la soo saxiixato xidiga khadka dhexe ee kooxda Shakhtar ee Fred waxaana la filayaa in Aymeric Laporte iyo Fred ay noqon doonaan dhiiga cusub ee uu Guardiola ka doonayo in Etihad stadium uu ku soo xoojin doono maalmaha soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here