Hassugin innay Timaaddo Nolosha aad Rabto!

0
34

Ged-geddoonka sil-siladdaha taxanaha ah ee noloshu waa mid saameyn toggan iyo mid tabban ku leh nolosha aadamaha. Maalin walba oo nolosha kamid ahi waxay waaberiddaa wakhti taas oo wakhti kelana gebo-gebowdo iyadoo sagootinaysa tagtadda maalintii kahoreysay soona dhawaysa timaado maalinkale oo cusub. Isku biiridda maalmaha isbedelayaaa waxay dhalliyaan toddobaad, taas oo waayaha iyo sifooyinka maalmaha gaarka ahi ay kaduwan yihiin toddobaadyada maal-maha nolosha ee kale. Maalin iyo toddobaad kastaaana waxay sii unkaan dhamaystiranka xilliyadda kala duwan ee nolosha.

Addduunka Allaah (Swt) wuxuu kumanaystay khayraad tiro-beel ah kuwaas oo Allah ugu tallagalay in ay ka faaiidaystaan Addoomadda guddanayaa waajibaadkda Eebe kana jawaab celinaya haddafka uu Eebe ukeenay ifka. Faylasuufyo baddan oo reer galbeed ahi waxay sheegaan in khayraadka Dunnidu yahay teel-teel sababaha ay cuskaddaana ay tahay isticmaalka joogtadda ah ee khayraadku markuu bato in uu dhamaado shayga baahidda loo qabbaa. Se aragtidda dadka ku abtirsadda Nabbigeenii Suubbana ee Muxammed (Csw) islamarkaana magaca islaamna huwani way ka aragti iyo fahan duwan yihiin faylasuufiyiinta reergalbeedka.
Eebe wuxuu kugu galadday nimco muslimnimo kuna huwiyey magac karaamo iyo sharaf baddan oo ah “islaam” kuguna deeqay caafimaad iyo fursadd aad kaga faaiideysato gellinta shaqadda iyo hawl maalmeedka aad rabto inaad ku horumariso noloshaada addigoo hiigsanaya bari maanta dhaanta. Nolasha sharafta iyo mil-gaha lihi kuma timaado maskax fadhidda, dhaq-dhaqaaq la’aan iyo qorsho aan caddeyn, se waa mid uu qofka joogtaddani (maanta) tacab gashaddaa uu dheefayo timaaddada (Berri). Tacabku wuxuu wanaagsan yahay inta qofku uu hayo karti, fursad iyo fir-fircooni curddin ah taas oo diifta iyo hagardaamooyinka nolosha aanay naftu ku karaar jabbeyn se ay caqabaddaha nolosha u arkayso cashoro laga barto waayo aragnimo kuuna sahlaysa hanashadda guusha. Aan soo qaato tuduc kamidda maansooyinka uu tiriyey Abwaanka da’da yare ee Keyse Maxamed Xuseen (Galaydh) una dhigan sida tan:
Dharaaruhu waa wargeys!
Ayaamuhu waa dhanbaal!
Dhacday qorayaan intaas!
Dhigaalbay reebayaan!
Wixii shalay soo dhacay!
Aroorta u dhaafayaan!
Dhagtiyo miridhkay tirshaan!
Dorraad qof wax sii dhigtay!
Haddeer dheefsiinayaan!
Tacabka aad galisho maallinta aad joogto ayaad midhihiisa goosanaysaa maalinta immandoonta ee barri. Haddaba noloshu sidaad ila garwaaqsatay kuma timaado sidaad rabto qorsheyaal la’aan, se waxay kaaga baahantahay inaad khidad iyo istiraatijiyad aad udejiso noloshaada gebbi ahaanba, ila fahanoo micnaha maaha inaan kaala hadlayo inaad is anfacdo oo kaliya se waxaan u jeeddaa in aad dhaxal iyo taariikh aad ka tagto. Kasoo qaad maanta inaad kujirto heerka waxbarashadda ee jaamaccadda, qorshe kale oo aad haysaana aanay jirin ka sakow jaamacadda aad xaadirto, waxbarashada jaamaccadda waxa lagu yaqaan mid leh shuruuco aan ka hor imanayn qorshayaasha nololeed ee ardayga una sahlaysa qofku inuu raacan karo hawlihiisa kale ee Adduun.
Heer Jaamici markaan soo gaadho, dariiq fiican Ayaan kujirtaa , waayo waxay dhaanta shoqo iyo hawl la’aan, dhabihii guusha ayaan ku joogaa, se looma boggin waxqabadkayga sababtoo ah dhadhankii nolosha ayaa iga maqan, nolosha dhadhanka lihi waa taleh qorsheyaal taas oo qorshe kastaa uu leeyahay wakhtigiisa iyo dhamaystirankeeda. .Akhriste hadda bilow qorshe nololeed oo cusub, qallin iyo buug soo qaado isweydii halkaan usocdaa, se maxaan doonayaa inaan xaqiijiyo. Hadda jaamacad Ayaan dhigtaa, Jaamacadda laftigeedu qorsheyaal ayay iiga baahantahay sababtoo ah waxaan doonayaa in aan ka midho dhaliyo hadafka ah in aan Jaamici noqdo.
Waxaa laga yaabaa hadda oo aan jaamacadda ku dhexjiro inaan qaato afar maaddo, afarta maaddo lagayaaba inaanan kuwadda fiicnayn oo aan aqqaan laba kamida, midkamidana aan dhex-dhexaad ku ahay garashadeeda midna aan haba yaraatee aanan xataa fikir ka haysan. Sida aan doonayaa waa in aan qaato sifadda aqoonyahan. Si aan hadafkaa u dhabeeyo waxaan dejinayaa qorshe cad oo markaa aan doonayo in aan ku horumariyo fahanka maadooyinka aan ku hooseeyo, wakhti baddan ayaan galinayaa maadooyinka aan kuhooseeyo, tusaale maalintii 5 saac ayaan wax akhriyaa, hal saac iyo badh ayaan siinayaa maaddo kasta oo aan ku hooseeyo afarta maado ee jaamacadda, labada aan aqqaano midkiiba hal saac ayaan uqorsheynayaa. Joogto ayaan kadhigayaa wax akhriska mana hilmaamayo inaan maalin seego.
Sidoo kale Wakhtigayga ayaan ukala qaybinayaa laba qaybood “Wakhti waxsoosaarleh oo aan ku hawlanahay wax i anfacaya iyo wakhti aan waxsoosaar lahayn kuna hawlanahay shaqooyin aan manfac lahayn islamarkaana horumarkayga aan waxba ku biirineyn”. Nolosha wanaagsan waa mid leh haddaf dhow iyo mid fog taas oo aan qorshe muhiimadeed u kala sameynayo hawl maalmeedkayga sida: “qorshe muhiim ah oo deg-deg ah, qorshe muhiim ah oo aan deg-deg ahayn, qorshe aan muhiim ahayn se deg-deg ah iyo qorshe aan deg-deg ahayn sidoo kalena muhiim aan ahayn”. Qorsheyaashani waxay iga caawinayaan in aan wakhtigayga si wanaagsan u maamusho ugana faaiideysato.
Qorshayaasha kale ee muhiimka ah waxaa kamida, aqoon korodhsi marka laga yimaado, aqoonta qofku wuxuu weeleeyaa marka uu si baraktikal ah u qabto, galinka hore kasokow waxaa ii banaan wakhti xad-dhaaf ah, 24 sacadood ee maalintii marka laga jaro 4 ama 5 sacadood ee Jaamacadda aan ku suganahay, 19 sacadood oo kale ayaa baaqi ii ah, marka aan ka jaro ugu badnaan 7 sacadood oo hurdada habbeenkii, 12 sacadood oo kale ayaa haddana baaqi ah, wakhtiga cibaadda iyo nasashadda, 4 sacadood markaan u jaro 8 sacadood ayaa baaqi ii noqanaya. Haddaba waa in aan isweydiiyaa 8deeda saacadood maxaan kaga faaiideysataa.
noloshu waxay iiga baahan tahay isku filnaansho si aan baryadda qayrkay u iloowo ugana maarmo. Taccab iyo waxsoosaar waa in aan bilaabaa, si aan yoolkayga urumeeyo, waa in aan ugu horeyn bilaabaa in aan sameysto saaxiibo kuwaasoo kor iiqaadda. Meesha aan doonayana i gaadhsiinkara, saxiibka waxaad uga baahantahay garab istaag, dhiirigellin iyo inuu kula dareen noqdo goorwalba. Saaxiibaddu way baddan yihiin se ka xullo cidda kula aragtidda ah, aan soo qaato tudduc kamida maansooyinka uu tiriyey Allah Janatul Firdows haka waraabiyee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye (AHUN) una dhigan sidda tan:
Abdkuu doono hasheego!
Wuxuun baa ehel ii ah!
Dad ninkaan af-aqaanee!
Si wax iila arkaayee!
Na midayso ujeedo!
Waa in aan raadiyo asxaab ka kala shaqaysa goobo shaqo oo kala duwan si ay iila socodsiiyaan fursaddaha shaqo ee kasoo banaanaada xarumaha ay ka hawlgalaan, qorshahayga xigaa waa, intay fursaddo shaqo soo banaananayaan in aan qorto Codsi si aan inta ka horeysa usii barto hanaanka loo shaqeeyo, anigoo raadinayaa shaqooyinka si mutadawacnimo ah looga shaqeeyo oo aanan magdhow amaba mushahar u xaadireyn, ujeedadayduna ay tahay korodhsiimo xirfaddaha shaqada iyo dhexgalka shaqaalaha ka hawl gala goobta aan joogo, intaa aan kujiro waxaan muujinayaa:- hawl karnimo, shaqo hufnaan, ilaalinta wakhtiga shaqadda iyo akhlaaqiyaadka shaqo si laygu janto amaba laygu majiirto inaan tusaale u noqdo shaqaalaha kale. Maaha inaad goorwalba shaqo bixinleh aan ka hawlgalo, qorshe walba oo aan ku horumarinayo xirfaddayda iyo waayo arragnimaddayda waa in aan sameeyaa. Maalmo kaddib waxaan arkay aniga oo ah qof aqoon, xirfad iyo waayo arragnimo leh, oo shirkadd iyo hay’ad kastaa anniga iiga doorbiddo codsadayaasha kale ee shaqo doonka ah. Shaqo kasto oo lasoo xayeysiiyo hadda diyaar baan u ahay in aan codsaddo annigoo kalsooni kuqabo naftayda ogsoona in aan layga doorbiddeyn cid kale. Maalmo yar kadib waxaaba ila soo hadlay mid kamida hay’adihii amaba shirkadihii aan mutadawacnimada kula soo shaqeeyay, markay u bogeen kartidayda. Durbaba shaqo Ayaan bilaabay, jidwal maalmeedkaygiina hadda ayuu dheeli tirmay, wakhti waxbarasho oo jaamacadda aqoon korodhsi aan u jooga, wakhti aan dhaqaale abuur sameeyo oo aan shaqadda gaadho, wakhti cibaado iyo wakhti nasasho, annigoo dib u habeeyey jidwalkaygii hore iigu dejisnaa. Isla shaqada dhexdeeda, se aan kor ugu qaado xirfadayda shaqo, waxaan bilaabayaa koorasooyin la xidhiidha mihnadayda shaqo si aan uga sii dalaco booska amaba jagada aan hadda hayo, maal-mo kaddib waa lay dalacsiiyey, oo shaqo kale ayaa lay wareejiyey markii aan natiijo wanaagsan ka soo hooyey shaqadda. Sidaa si lamidda ayaan sameynaa ilaa aan maamule ka noqonayo shirkadda. Hankaygu halkaa kuma istaago hore socod iyo dadaal ayaa astaan ii ah.
W/Q: Cabdicasiis Haaruun Maxamed
MA Candidate in Governance & Development
Ethiopian Civil Service University

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here