Falastiin: Qoys Qof Ka Mid Ah Qudha Uga Jaray Inuu Basaas U Yahay Israa’iil !

0
89

Qoys Falastiiniyiin ah oo ku dhaqan magaalada Rafax ayaa waxay qudha ka jareen hal ruux oo ka tirsanaa kadib markii ay daba galeen in muddo ah isla markaana ay ogaadeen inuu basaas u yahay Israa’iil.

Ahmed Barhom waa ninka ay qoyskiisu qudha ka jareen waxaanay sheegeen inay xaqiiqsadeen inuu isagu ka dambeeyay dilal qorshaysan oo lagula kacay saddex nin oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Xarakada Xamaas kuwaasi oo mid ka mid ah qaraabo ahaayeen Ahmed Barhuum.

Qoyska uu ka soo jeeday Ahmed Barhuum ayaa waxay sheegeen in toogasho ku dileen, Ahmed Barhuum ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay inuu Israa’iil u gudbiyay xogo xasaasi ah sanadkii 2014kii, taasi oo Israa’iil ka caawisay inay Duqayn u geysato xubno ka mid ah xarakada Xamaas.

Qoyska uu ka soo jeeday Ahmed barhuum ayaa ah qoys aad u ballaadhan oo ku dhaqan magaaladaasi Rafax waxaana lagu yaqaanaa inay aad u tageeraan xarakada Xamaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here