Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Naasnuujinta Dhameystiran U Leedahay Hooyada Iyo Ilmaheeda Yarba !

0
59

Naasnuujinta Ilmaha yar waa arrin uu Ilaahay SWT kaga hadlay Qur’aanka kariimka ah, muddada naasnuujinta ku habboonina waxay tahay laba sano oo xidhiidha.

Deraasad dhawaan laga soo saaray Dalka Maraykanka ayaa lagu cadeeyay in faa’iidada caafimaad ee naasnuujintu u leedahay hooyada ay ka mid tahay in xanuunka macaanku aanu soo waajihin hooyada muddada dheer ilmaheeda naaska nuujisa.

Deraasaddaasi oo lagu baahiyay wakaalada wararka ee Ruters oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxay dhakhaatiirtu kula taliyeen hooyooyinka inay ilmaha naas nuujiyaan ugu yaraan hal sano si caafimaadka ilmaha yari uu u noqdo mid dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here