Dawo La’aanta Danaha Dadbani Waa Kuwo Danihii Guud Lagu Ilaawi Doono;

0
64

Bilo kooban ayaa laga markii uu dalkan somaliland ka soo baxay doorashooyin xor ah oo daah furan caalamkana u noqotay astaan uu weli madaxa ku sii hayo, indhaha lagu hayo ka sokow waxaa goobjoogayaal ka joogeen dunida inteeda badan, kuwaasoo bixiyey xaqiiqada lagu doortay madaxweynahan talada dalka haya ee muuse biixi iyo ku xigeenkiisa c/raxmaan cabdilaahi ismaciil saylici.
Waxaana ay ahayd mid guud ahaanba markay dalka ka dhacday laga fishay is bedel iyo rajo ay ka qabeen shacabku dib u soo celintii hanaanka dawlad nimo ee la tebayey.
Shacabka ayaa ahaa kuwo doorashadaa xilligaasi kala taageeray kuwaasoo kala ahaa saddex xisbi qaran oo mid waliba lahaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, dadweynaha somaliland aad ayey ugu qayb sameen doorashadaasi iyo ololihii kala kasbashada shacabka oo markii danbe loo rogay olole beelaysan waxaana daaha laga fayday taariikho guun ah oo aan muhiim u ahayn in ay maqlaan jiilalka hada kacaya ee dawladnimada ku garaadsaday, ololaahaasi waxba la iskulama hadhin wax waliba waxay ahaayeen wax la is yidhi.

Waxaana soo ifbaxay nidaamyo ereyeysan oo lagu kala magacaabo Jeegaanta iyo Giraanta oo ay kala horkacayaan madax dhaqameedka labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye
Waxa ay gaadhay heer lagu kala abtirsado oo ay dhalin yaradu is waydiiso, ma jeegaan baa ahayd, horta mise giraanta ?
Qalbi furnaanta shacabka horumarka jecel ee somaliland ayaa markii ay ku qanceen natiijadii doorashada ka soo baxday iyo madaxweynihii ku guulaystay cododka badan si wanaagsan u soo dhaweeyey, xilliga uu madaxweynaha cusub yimidna waxa la odhan jiray ama lagu xaman jirey madaxweyne go’aan leh ayaanu dooranay oo dalka taladiisa qabtay oo waa madaxweyne aan shaadhkiisa lala xidhanaynin.
Waxay mar labaad dib u soo laba kacleeysay nidaamkaa jeegaantu, ka dib markii shir lagu caleemo saarayo suldaan ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Tog-dheer waxa sulaadiintii hortooda hadaladii xanafta lahaa dib u soo kiciyey suldaan ka mid ah kuwa ugu faca weyn, kaasoo xilligii ololuhana ka yidhi hadal kicimahaa ku aroora shucuubta dadkii xilligii ololaha mucaaridka ahaa, kuwaas oo markii horeba aad moodaysay in ay ahaayeen kuwo aan kolsooni buuxda ku qabin natiijada doorshada wolow ay ku qanceen.
Hadalkaasi uu suldaanku madasha ka yidhi ayaa noqday mid ay ka jawaabeen salaadiin iyo waxgarad badani, isla markaana fursad siiyey madax dhaqameed la’aa mus ay u soo maraan hadal iyo dhaliil ay u jeediyaan xukuumada cusub,
Dawlada ayaa ku mashquulsan colaadaha ka soo cusboonaaday dawlada Somaliland iyo maamulka puntland waxaana isha lagu hayaa dhaq-dhaqaaqa milatari ee xagaasi ka socda, hadana waa mid muuqanaysa inay tahay turxaan khafiifinaysa midnimada iyo ilaalinta danahii guud ee mudnaa in la wada ilaashado, waana mid u baahan in jiritaanka arrinkaa loo istaago si aanay danihii guud meesha uga bixin..
Dhammaad
Mubaarik Fuaad Dhaga-Cadde
Wariye ka hawlgala warbaahinta madax banaan ee somaliland
Mubaarikdhagacadde@gmail.com
0634468876

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here