Cajiib : Haweenay Dhimatay Oo Dabadeedna Dhashay Ilma Yar!

0
63

Dhacdo aad u layaab badan ayaa waxay ka dhacday dalka Koonfur Afrika, taasi oo aheyd in haweenay Uur lahayd isla markaana bishii sagaalaad ku jirtay ay dhimatay, toban maalmood kadibna waxay Naxashkii uu meydkeedu saarnaa ku dhashay ilmo yar.

Arrintani ayaa waxa si kedis ah loo ogaaday markii la sii galbinayay meydkeeda, waxaanay dhakhaatiirtii baadhay meydka haweenaydaasi xaqiijiyeen in ilmahaasi yari uu si dabiici ah u dhashay isla markaana Gaastii ku jirtay Caloosha Meydkaasi iyo sidoo muruqyada caloosha oo dabcay ay sabab u ahaayeen in ilmahaa yari si dabiici ah uu u dhasho.

Dadkii ka soo qayb galay galbinta meydka haweenaydaasi ayaa waxay sheegeen in arrintani ay tahay mid aanay hore u arag, sidoo kalena waxa xaqiiqo ah in aanu jirin qof dhintay oo wax dhalaa waxaana dhacdadani lagu tilmaamay inay tahay mucjiso aan hore loo arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here