“Cirro hadalkiisii Boorama wuxuu ka bilaabay, ‘Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay’, aniguse waxaan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube halla iisoo sheego, haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxaanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanaan ka hadal oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay…..”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo jawaab ka bixiyey hadal ka soo gaadhay gudoomiyaha Xisbiga Waddani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here