Alexis Sanchez Oo Bartiisa Twitter-ka Ku Beeniyay Wararka Sheegaya In Thierry Henry Uu Kula Taliyay Inuu Isaga Guuro Arsenal.

0
80

Weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez ayaa bari yeelay halyeeyga Gunners Thierry Henry kaas oo lagu eedeeyay inuu xidigaan kula taliyay ka tagista garoonka Emirates Stadium, xilli xidigaan heerka caalami uu heshiis kala badalasho ah ugu biiray Man United.

Sanchez wuxuu soo afjaray sadex sano iyo bar uu ku sugnaa Arsenal, wuxuuna kooxdiisa ku qasbay in heshiis kala badalasho ah oo dhankooda keeneysa Henrikh Mkhitaryan la galaan kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Red Devils.

“Waxaan doonayaa inaan kala cadeeyo, Henry inuusan iigu yeerin inaan ka tago kooxda, waxey aheyd go’aan shaqsiyadeed, wuu jecel yahay kooxda, maalin wey wacnaan laheyd inaan ku arko isagoo tababare u ah Arsenal sababtoo ah wuu jecel yahay kooxda” ayuu Alexis Sanchez kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here