Afar Arimood Oo Kulanka Caawa Ee Arsenal & Chelsea Ee Carabao Cup-ka Ka Dhigaya Mid Xiiso Gaar Ah Yeelan Doona.

0
60

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawanaysa kooxda ay London ku xifiltamaan ee Chelsea waxayna labada kooxood wada ciyaarayaan kulanka lugta labaad ee Carabao Cup ama tartankii hore loogu yaqaanay League Cupka iyada oo kulankii lugtii hore ee Stamoford Bridge ka soo dhacday ay labada kooxood ku soo kala baxeen barbaro gool la’aan ah.

Hadaba kahor kulanka xiisaha badan ee caawa ka dhigi doona Emirates Stadium waxaan warbixintan idinkugu soo gudbin doonaa afar arimood kulankan xiiso balaaran u yeeli kara.

1- In Antonio Conte Uu Hal Guul Oo Kaliya Ka Gaadhay Arsenal:

Macalinka reer Talyaani ayaa wuxuu kahor yimid kooxda Arsenal tan iyo markii uu yimid Chelsea 7 kulan, wuxuu guulka gaadhay kaliya 1 kulan oo ahaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kulamadii 24aad ee horyaalka dalka England, xili uu kulanka kusoo idlaaday 3-1, tan iyo guushaas Blues guul ma aysan ka gaadhin Gunners. Sidaas darteed wuxuu kulankan muhiim u yahay Conte si uu guul kaga gaadho kooxda ay isku magaalada kawada dhisan yihiin.

2- Bixitaanka Alexis Sánchez:

Alexis Sánchez ayaa wuuxu si rasmi ah ugu dhaqaaqay kooxda Man United maalmo kahor inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga, kadib markii kooxaha Gunners iyo United-ka ay is dhaafsadeen xidigaha Sánchez iyo Mkhitaryan, sidaas darteed wuxuu kulankan muhiim u yahay ciyaartoyda haatan ku sugan Arsenal si ay u muujiyaan awoodooda ciyaareed iyo in kooxda ay awood u leedahay inay u tartami karto tartamada ay qeybta ka tahay, waxayna u arkaan in kulanka caawa ee Chelsea uu u noqon doono tusaale cad.

3- Rajada Kaliya Ee Kooxda Arsenal:

Arsenal ayeey ku adag tahay in xili ciyaareedkan inay u dagaalanto horyaalka Premier League-ga maadaama Man City oo hogaamineysa ay u jirto 23 dhibcood, waxaa intaas dheer in ay isaga soo hartay koobka FA Cup-ka, sidaas darteed Arsène Wenger ayaa wuxuu isha ku hayaa isla markaana ay u muuqataa inay tahay rajada kaliya uu qabi karo koobka Carabao Cup-ka.

4- Sida Ay Ugu Adag Tahay Kooxaha Chelsea Iyo Arsenal Kulamada Premier League-ga:

Loolanka horyaalka Premier League-ga ayaa wuxuu noqday mid kasii adag xiliyadii lasoo dhaafay gaar aaan kooxaha Chelsea iyo Arsenal, maadaama ay labada kooxoodba ku gudi jiraan waayo aan wanaagsaneen ee aad u adag, maadaama ay dhanka kala sareenta ay ku kala jiraan kaalmaha saddexaad iyo lixaad, labadan kooxood ayaana waxay ku dagaalamayaan in ay u gudbaan wareega xiga ee tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here